• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Qorshaha Gargaarka Soomaaliya oo Hoos u Dhacay Sannadka 2026.

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
8 months ago
Reading Time: 2 mins read
Soomaaliya
Share

Wararka24: 28-01-2026:Qaramada Midoobay ayaa shaacisay Qorshaha Gargaarka Bani’aadannimo ee Soomaaliya ee sannadka 2026, kaas oo ku kacaya $852 milyan, islamarkaana lagu taageerayo 2.4 milyan oo qof oo ka mid ah dadka ugu nugul dalka.

Afhayeenka Qaramada Midoobay, Stéphane Dujarric, ayaa sheegay in miisaaniyadda qorshahan ay hoos u dhacday ku dhowaad 40% marka loo eego lacagtii la codsaday sannadkii hore, isagoo carrabka ku adkeeyay in hoos u dhacaasi uusan ka iman baahiyaha dadka oo yaraaday, balse uu salka ku hayo dhaqaale xumo iyo kheyraad kooban oo haysta hay’adaha gargaarka.

Dujarric ayaa sheegay in hoos u dhaca maalgelinta uu sababi doono in adeegyo badan oo muhiim ah la yareeyo, isla markaana in ka yar kala bar dadka u baahan gargaar ay heli doonaan caawimaad bani’aadannimo sannadkan.

Afhayeenka QM ayaa ka digay in haddii aan si degdeg ah loo helin maalgelin dheeraad ah, ay sii xumaan doonaan xaaladaha abaarta daba-dheeraatay, barakaca, cudurrada faafa, nolol-beelka iyo cunno-yarida, kuwaas oo durba saameyn xooggan ku leh qeybo badan oo dalka ah.

Wuxuu xusay in sannadkii hore Qaramada Midoobay ay Soomaaliya u codsatay gargaar dhan $1.4 bilyan, balse la helay oo keliya $397 milyan, taasoo u dhiganta 27%, arrintaas oo keentay in hay’adaha gargaarku ay yareeyaan ama gebi ahaanba joojiyaan adeegyo naf-badbaadin ah.

Qorshahan cusub ayaa kusoo beegmaya xilli xaaladda bani’aadannimo ee Soomaaliya ay weli tahay mid adag, iyadoo malaayiin qof ay wajahayaan cunto-yari, biyo la’aan iyo daryeel caafimaad oo xaddidan..


Share

Recommended

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

5 months ago
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

7 months ago
Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

6 months ago
Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

3 months ago
Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

8 months ago
Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

3 months ago
Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.