• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Dowladda Federaalka oo Faahfaahin Ka Bixisay Dilka Horjooge Cabdullaahi Wadaad.

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
8 months ago
Reading Time: 2 mins read
Dowladda Federaalka oo Faahfaahin Ka Bixisay Dilka Horjooge Cabdullaahi Wadaad.
Share

Wararka24: 28-01-2026:Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgal qorsheysan oo lagu dilay horjooge sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kaas oo laga fuliyay gobolka Shabeellaha Hoose.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in horjoogaha la dilay lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Xasan Cabdi Cosoble, oo loo yaqaanay Cabdullaahi Wadaad, isla markaana uu ahaa shaqsi muddo dheer dhibaato ku hayay amniga iyo xasilloonida shacabka Soomaaliyeed.

Howlgalka lagu khaarijiyay horjoogahan ayaa ka dhacay deegaanka Kuunya Baroow, waxaana fuliyay ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah, sida uu sheegay wasiirku.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa tilmaamay in Cabdullaahi Wadaad uu tan iyo sanadkii 2017-kii kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa ururinta baadda, gaar ahaan gobolka Banaadir, isla markaana uu mas’uul ka ahaa falal amni darro oo badan.

“Horjoogahan wuxuu dhibaato weyn ku hayay ganacsatada, dilal badan ayuu ka dambeeyay, kuwo kalena cabsi darteed bay dalka uga qaxeen. Sidoo kale wuxuu ku lug lahaa qaraxyo lagu burburiyay goobo ganacsi oo ku yaalla Muqdisho,” ayuu yiri Wasiir Axmed Macallin Fiqi.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in labadii toddobaad ee la soo dhaafay kooxda Al-Shabaab lagu gaarsiiyay jab culus oo is daba joog ah, gaar ahaan deegaannada Ceel Dheer, Wargaadhi, Jabad Godane iyo Kudhaa, oo ka kala tirsan gobollada Galgaduud, Shabeellaha Dhexe iyo Jubbada Hoose.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay in ay sii wadi doonto howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, si loo xaqiijiyo amniga guud ee dalka loona yareeyo khatarta ay ku hayaan shacabka.


Share

Recommended

Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Muungaab oo booqday xerada TurkSom+sawiro

Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Muungaab oo booqday xerada TurkSom+sawiro

4 months ago
Imaaraadka

Imaaraadka oo Lagu Eedeeyay Qorshe Ka Dhan ah Madaxweyne Xasan Sheekh

1 year ago
Midowga Yurub oo Qaaday talaabo kacareysiisay Mareykankana

Midowga Yurub oo Qaaday talaabo kacareysiisay Mareykankana. maxay tahay?

1 year ago
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Oo farin cusub udiray shacabka soomaliyeed, Kadib Weerarli Baledweyne?

2 years ago
Ra’iisul Wasaare Xamza oo sheegay in Koonfur Galbeed yeelanayso hoggaan cusub

Ra’iisul Wasaare Xamza oo sheegay in Koonfur Galbeed yeelanayso hoggaan cusub

5 months ago
Dowladda Turkiga

Turkiga oo Diyaarado cusub oo kale Ku wareejiyey DF Soomaaliya

1 year ago
Puntland oo ka walaacsan qorshe ay sheegtay in Xasan Sheekh ka damacsan yahay deegaannadeeda.

Puntland oo ka walaacsan qorshe ay sheegtay in Xasan Sheekh ka damacsan yahay deegaannadeeda.

7 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.