Wararka24: 25-01-2026 Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan ayaa kala saxiixday heshiis rasmi ah oo dhigaya in fiisaha laga dhaafo dadka wata baasaboorrada diblomaasiga ee labada dal.
Heshiiskan ayaa u oggolaanaya diblomaasiyiinta iyo mas’uuliyiinta sare ee labada dowladood inay si xor ah ugu kala safraan Soomaaliya iyo Pakistan iyaga oo aan u baahnayn fiiso, taas oo la filayo inay fududeyso xiriirka diblomaasiyadeed iyo wada-shaqeynta labada dhinac.
Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in heshiiskani uu yahay tallaabo lagu xoojinayo xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Pakistan, isla markaana uu door ka qaadan doono kobcinta wada-hadallada siyaasadeed, amni iyo iskaashi caalami ah.
Dhankeeda, dowladda Pakistan ayaa muujisay inay soo dhoweyneyso heshiiska, iyada oo tilmaantay in uu yahay mid kor u qaadaya is-dhexgalka diblomaasiyadeed iyo is-afgaradka u dhexeeya labada dal.
Heshiiskan cusub ayaa kusoo aadaya xilli Soomaaliya ay wadato dadaallo ay ku ballaarineyso xiriirkeeda diblomaasiyadeed ee caalamiga ah, gaar ahaan dalalka ay wadaagaan iskaashi dhinacyada amniga, waxbarashada iyo arrimaha caalamiga ah.


















