Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Caalamka

Reer Minnesota Oo Mudaaharaad Ku Dalbanaya In ICE Laga Saaro Gobolka

24-01-2026 Tobannaan kun oo shacab ayaa Jimcihii isugu soo baxay bartamaha magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, iyaga oo ka qeyb galay mudaaharaad ballaaran oo loogu magac daray “ICE Out of Minnesota: Day of Truth &…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
January 24, 2026, 3:43 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Reer Minnesota Oo Mudaaharaad Ku Dalbanaya In ICE Laga Saaro Gobolka
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: 24-01-2026 Tobannaan kun oo shacab ayaa Jimcihii isugu soo baxay bartamaha magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, iyaga oo ka qeyb galay mudaaharaad ballaaran oo loogu magac daray “ICE Out of Minnesota: Day of Truth & Freedom.” tan ayaa qayb ka ah olole lagu cambaareynayo howlgallada xoogan ee wakiillada dowladda federaalka ee Immigration and Customs Enforcement (ICE) iyo dalabka ah in hay’addaasi laga saaro gobolka.

Mudaaharaadku waxa uu ka bilaabmay barxad loo yaqaan The Commons Park galabnimo, waxaana socdaal ballaaran uu u gudbay goobta lagu magacaabo Target Center iyadoo dad badan ay ku socdeen heerkul aad u hooseeya. Waxaa dalka oo dhan laga arkay saameyn, ganacsiyo fara badan ayaa xirnaa, shaqaale iyo arday yarayna aysan aadin shaqooyinka iyo iskuulada, si looga qeybqaato mudaaharaadka.

Dadku waxay mudaaharaadkan ugu baxeen iyaga oo ka soo horjeeda kordhinta howlgallada ICE iyo joogitaanka ilaa 3,000 oo askari oo federaal ah oo lagu soo dirsaday gobolka si ay u qabtaan kuwo sharci-darro ah. Protest-ga ayaa lagu tilmaamay tallaabo lagu dalbanayo xuquuqda madaniga ah, in ICE laga saaro Minnesota, in la xisaabtamo saraakiisha ku lugta leh tacaddiyada, lana joojiyo maalgelinta hay’adda, iyo in baaritaan lagu sameeyo sheegasho la xiriirta xadgudubyada xuquuqda aadanaha.

Sidoo kale, qayb ka mid ah mudaaharaadka ayaa waxaa lagu xiray in ka badan 100 wadaad (clergy) oo booliiska laga qabtay Garoonka Caalamiga ah ee Minneapolis–Saint Paul, iyaga oo istaagay si nabad ah iyagoo ku baaqaya in shirkadaha diyaaradaha ee gobolka ay joojiyaan iskaashiga ay la leeyihiin duulimaadyada ay ku jiraan howlgallada socdaalka.

Mudaaharaadkan ayaa sidoo kale waxaa ay ku jiraan codsiyo ballaaran oo ah in la xiro xafiisyada ICE, in saraakiisha hay’adda la xukumo, lagana hortago xadgudubyada lagu eedeeyay, kadib markii dhaawac iyo kicitaan baahsan uu ka dhashay dilal iyo xiritaanno ay Soomaalida iyo bulshooyinka kale ee ajnabiga ah la kulmeen dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay


Share

Wararkii ugu dambeeyay

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

12 hours ago
DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

12 hours ago
Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

2 days ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

2 days ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

3 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

4 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

4 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.