• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Somaliland Oo BBC Uga Warramtay Shirkii Davos Iyo Lakulankii Eric Trump.

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
8 months ago
Reading Time: 3 mins read
Somaliland
Share

Wararka24: 24-01-2026 Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa magaalada Davos ee dalka Switzerland ku yeeshay kulammo heer sare ah oo dhinac socday Shirweynaha Dhaqaalaha Adduunka, kuwaas oo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka caalamiga ah iyo soo jiidashada maalgashi yada calamiga ah.

Kulammadaasi waxaa ka mid ahaa wada-hadallo uu Madaxweyne Cirro la yeeshay Madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog, iyo Eric Trump, oo ah wiilka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump isla markaana ah madaxweyne ku-xigeenka fulinta ee Trump Organization. Kulammadan ayaa ka dhacay Davos oo ay ka qeybgaleen siyaasiyiin sar-sare iyo ganacsato caalami ah.

My remarks at the sidelines dinner of the World Economic Forum in Davos, Switzerland. pic.twitter.com/7gRoIi1JmU

— Cabdiraxmaan Cirro (@Abdirahmanirro) January 23, 2026

Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa sheegay in wada-hadalladu ay diiradda saareen iskaashi dhaqaale, fursado maalgashi iyo doorka istiraatiijiyadeed ee Somaliland ee marinnada ganacsiga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed. Madaxweynaha Somaliland ayaa xusay in dalku u furan yahay maalgashi, isaga oo si gaar ah u muujiyay muhiimada dekedda biyaha-dheer ee Berbera.

La-taliyaha sare ee dhaqaalaha ee Madaxweynaha Somaliland, Dr Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa BBC-da u xaqiijiyay in kulanka Eric Trump looga hadlay fursadaha ganacsi ee Somaliland, isla markaana uu muujiyay daneyn muuqata.

“Waxaan u sharraxnay Somaliland iyo khayraadkeeda, isaguna wuxuu muujiyay xiise uu u qabo Somaliland iyo fursadaha ay leedahay. Arrimaha aan ka wada hadalnay waxaa ka mid ahaa sidii maalgeliyeyaal caalami ah loogu soo jiidi lahaa xoolaha nool iyo beeraha, si aan u warshadaynno ungana dhoofinno suuqyada caalamka. Dhanka kale, hoggaamiyeyaal kale oo dunida ah ayaannu la wadaagnay khayraadkeenna dabiiciga ah sida gaaska iyo macdanaha,” ayuu yiri Dr Bayle.

Dr Bayle ayaa sidoo kale BBC-da u sheegay in hab-fekerka dowladda Somaliland uu isbeddelay.
“Markii ugu horreysay, dunida kama codsanayno gargaar. Waxaan u soo bandhigaynaa khayraadkeenna. Shacabkeenna waa dad u furan iskaashi, maalgashi iyo koboc daqaale,” ayuu yiri.

Dhanka kale, Eric Trump ayaa ka qeybgalay kulan kale oo gaar ah oo lagu qabtay Davos Lodge, kaas oo cinwaankiisu ahaa Isbeddellada Caalamiga ah iyo Fursadaha Suuqyada Horumaray. Kulankaasi wuxuu ahaa mid martiqaad gaar ah oo aan si rasmi ah loo shaacin liiska martida.

BBC Somali ayaa sheegtay inay si gaar ah u hubisay sawirro uu Madaxweyne Cirro la wadaagay bulshada, ayna ka aqoonsatay mas’uuliyiin sar-sare oo ka qeybgalay shirka, iyada oo adeegsaneysa xog furan iyo ilo kale. Mas’uuliyiinta la xaqiijiyay waxaa ka mid ahaa Nir Barkat, Wasiirka Dhaqaalaha iyo Warshadaha Israa’iil, oo hore u soo noqday duqa magaalada Qudus, isla markaana door muhiim ah ku leh diblomaasiyadda dhaqaale ee Israa’iil.


Share

Recommended

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

5 months ago
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

7 months ago
Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

6 months ago
Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

3 months ago
Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

8 months ago
Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

3 months ago
Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.