Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Ukraine Oo Si Adag U Cambaareysay duqeymaha Ruushku wada Intii Uu Wadatashi Nabadeed Socda.

24-01-2026 Dowladda Ukraine ayaa si kulul u cambaareysay duqeymo cusub oo ay Ruushku habeen hore ku qaaday mid ka mid ah magaalooyinka Ukraine, kuwaas oo ku soo beegmay xili ay dib u billowdeen wada-hadalada nabadeed ee ay Mareykanka…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
January 24, 2026, 1:17 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Ukraine
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: 24-01-2026 Dowladda Ukraine ayaa si kulul u cambaareysay duqeymo cusub oo ay Ruushku habeen hore ku qaaday mid ka mid ah magaalooyinka Ukraine, kuwaas oo ku soo beegmay xili ay dib u billowdeen wada-hadalada nabadeed ee ay Mareykanka iyo Ruushku ka wadaan magaalada Abu Dhabi, taas oo looga gol leeyahay in lagu soo afjaro colaadda socota muddo ku dhow afarta sano.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ukraine ayaa sheegtay in weerarkaas uu dhacay xilli dib loo dajinayay wadahadalada, isaga oo saameyn ballaaran ku yeeshay dadka rayidka ah iyo miiskii nabadeed ee la isku dayayey in la furo.

Duqeymaha ayaa lala beegsaday magaalooyinka Kyiv iyo Kharkiv, iyadoo mas’uuliyiinta Ukraine ay sheegeen in ugu yaraan hal qof ku dhintay ayna ku dhaawacmeen tobanaan kale, ayna qaraxyo burburiyeen kaabayaal muhiim u ahaa nolosha shacabka oo ay ku jiraan dhismayaal shacab iyo adeegyo bulsho.

Vitali Klitschko, ayaa sheegay in weerarka uu saameyn ku yeeshay dhismayaal badan, sidaa darteed kumanaan qof ayaa lagu soo warramayaa inay bilaa kuleyl ahaayeen xilli cimiladu aad u qabow tahay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Ukraine, Andrii Sybiha, ayaa ku tilmaamay weerarka “mid naxariis darro ah” oo uusan ahayn kaliya weerar ku wajahan dadkiisa, balse sidoo kale ku dhacay miiska wadahadalada nabadeed iyada oo rajadii nabadeed ee laga qabay kulanka ay sii fogaatay.

Wada-hadalladaasi ayaa ah kuwa diyaar u ah maalmo kale, iyadoo ergayada Mareykanka, Ukraine iyo Ruushkaba ay ka qeyb galayaan kulamo si toos ah loogu doonayo in lagu gaaro heshiis nabadeed, inkastoo arrimaha dhuleed ee muranku ku salaysan yahay ay weli u muuqdaan caqabado adag.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

12 hours ago
DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

12 hours ago
Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

2 days ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

2 days ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

3 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

4 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

4 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.