Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Baaritaan ku saabsan wararka sheegaya in 60 basaas shisheeye ay ka baxsadeen Soomaaliya

Muqdisho – Wararka24: Waxaa sii kordhay doodda ku saabsan warar baraha bulshada ku faafay oo sheegaya in ilaa 60 basaasiin shisheeye ah ay si degdeg ah uga baxeen gudaha Soomaaliya, kaddib markii la jabsaday nidaamka dal-ku-galka elektarooniga ah…

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
November 18, 2025, 10:17 am EAT
Reading Time: 2 mins read
Baaritaan ku saabsan wararka sheegaya in 60 basaas shisheeye ay ka baxsadeen Soomaaliya
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Muqdisho – Wararka24: Waxaa sii kordhay doodda ku saabsan warar baraha bulshada ku faafay oo sheegaya in ilaa 60 basaasiin shisheeye ah ay si degdeg ah uga baxeen gudaha Soomaaliya, kaddib markii la jabsaday nidaamka dal-ku-galka elektarooniga ah (e-Visa).

Baaritaan Wararka24 ay ku sameysay arrintan, oo ay la xiriirtay ilo amni iyo diblomaasiyiin xog-ogaal u ah, ayaa muujinaya in sheegashadaasi aanay heyn wax caddeyn ah, islamarkaana u muuqato war been abuur ah oo si fudud loogu faafiyay internet-ka.

Waxaa la xaqiijiyay in nidaamka e-Visa Soomaaliya uu soo wajahay jab amni oo farsamo, taas oo keeni karta in xogta qaar ka mid ah codsadayaasha ay banaanka u soo baxday.

Dowlado shisheeye ayaa xitaa muwaadiniintooda kula taliyay taxaddar intii dhibaatada farsamo la xallinayo.

Si kastaba, ma jiro ilo dowladeed ama hay’ad amni oo xaqiijisay sheegashada ah in tiro si gaar ah u cayiman oo ah basaasiin shisheeye ay hal mar dalka uga baxeen 24 saac gudahood.

Sarkaal sare oo katirsan hay’ad amni oo aan magaciisa la shaacin ayaa sheegay

Xitaa annaga oo hay’ad amni ah ma hayno liis rasmi ah oo lagu tirin karo inta sirdoon shisheeye oo dalka jooga.

Sidaas darteed, waa wax aan macquul aheyn in la sheegto inay 60 basaas hal maalin wadareed uga baxeen dalka.”

Wararka ku saabsan in 60 basaas shisheeye ay ka carareen Soomaaliya waxay u muuqdaan kuwo lagu faafiyay si aan sal lahayn oo qeyb ka noqday buuqa ka dhashay jabsiga nidaamka e-Visa.

Inkastoo arrintaas lafteedu tahay mid muhiim u baahan baaritaan amni, haddana ma jiro caddeyn muujinaysa in sirdoon tiro intaa le’eg uu si degdeg ah dalka uga baxay.

Wararka24 waxaan sii wadi doonaa dabagalka arrintan, wuxuuna la socon doonaa warbixinada rasmiga ah ee kasoo baxa hay’adaha amniga iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

11 hours ago
DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

11 hours ago
Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

1 day ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

2 days ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

3 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

4 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

4 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.