• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Dacwadii Saad Aljabri iyo Bin Salmaan oo gashay wajigii cusub..

Abdirahman Dahir by Abdirahman Dahir
11 months ago
Reading Time: 3 mins read
Dacwadii Saad Aljabri iyo Bin Salmaan oo gashay wajigii cusub..
Share

Washington – Wararka24: Dacwadda u dhaxaysa dhaxal-sugaha Sacuudi Carabiya, Mohammed Bin Salmaan (MBS), iyo sarkaalkii hore ee sirdoonka boqortooyada, Saad Aljabri, ayaa gashay wajigii cusub, kaddib markii Aljabri uu codsi rasmi ah u gudbiyay maxkamad federaali ah oo ku taalla gobolka Virginia ee dalka Maraykanka.

Saad Aljabri, oo muddo dheer u ahaa gacan-yare dhow ee dhaxal-sugihii hore Mohammed Bin Nayef, ayaa lagu eedeeyay inuu lunsaday lacag gaaraysa $5 bilyan oo dollar-ka Mareykanka ah xilli uu ahaa mas’uul amni sare ah.

Iyada ooy Shirkadda dawladdu leedahay ee Sakab ayaa dacwad ka dhan ah ku furtay isaga balse Aljabri ayaa ku dooday in eedeymahaasi yihiin kuwo siyaasadeysan, isla markaana uu lacagtaas u adeegsaday hawlgallo sirdoon oo qarsoodi ah oo la xiriira dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Kiiskan ayaa si dhow ugu xiran loollankii siyaasadeed ee u dhaxeeyay Bin Salmaan iyo Bin Nayef, kaas oo lumiyay xilkii dhaxal-sugaha boqortooyada intii lagu jiray afgambigii siyaasadeed ee 2017.

Aljabri ayaa isla sanadkaa ka cararay Sacuudi Carabiya, isagoo sheegay in noloshiisa khatar gashay kaddib markii la xiray laba carruurtiis ah si loogu qasbo inuu ku soo laabto dalka.

Qareennada Aljabri ayaa dacwadda ku tilmaamay qayb ka mid ah olole cadaadis siyaasadeed oo uu hoggaaminayo Bin Salmaan, iyagoo arrinta ku barbar dhigay dilkii 2018 ee weriye Jamal Khashoggi, oo warbixinta sirdoon oo Maraykanka lagu sheegay inuu MBS oggolaaday dilka. Dowladda Sacuudiga ayaa si adag u beenisay eedeymahaas.

Dowladda Maraykanka ayaa hore ugu faragelisay dacwado la mid ah, iyadoo adeegsatay awoodda “mudnaanta siraha dowladda” si looga hortago in la shaaciyo xog amni oo xasaasi ah.

Talaabadaas ayaa horay u joojisay kiisaskii hore ee Aljabri, balse kiiskan cusub ayaa dib u iftiimiyay murankii u dhaxeeya labada dhinac.

Khabiirada sharciga ayaa tilmaamay in aanay u badnayn in maxkamad Maraykan ah aqbasho codsiga Aljabri ee ah in saraakiil hore oo Maraykan ah lagu qasbo inay difaacaan dacwadiisa, maadaama xogta la dalbanayo loo arko mid amni qaran ah oo aad u xasaasi ah.

Kiiskan ayaa loo arkaa mid muujinaya awoodda siyaasadeed ee Bin Salmaan iyo sida uu u adeegsado hay’adaha dawladdu si uu u difaaco danaha boqortooyada,

Halka dadka dhaliila nidaamkan ay ku tilmaamayaan tusaale cad oo muujinaya sida cadaadis iyo cabburin loogu adeegsado awoodda siyaasadeed.


Share

Recommended

Mareykanka

DEGDEG: Muxu yahay Xirirka ka dhaxeeya xuutiyiiinta iyo Shabaabku + Mareykanka iyo QM oo goan culus ka soosaaray..

2 years ago
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Qatar si uu uga qeybgalo aaska….

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Qatar si uu uga qeybgalo aaska….

3 months ago
Markabka qodista shidaalka Soomaaliya oo gaaray Muqdisho

Markabka qodista shidaalka Soomaaliya oo gaaray Muqdisho

6 months ago
Turkiga Oo Fashiliyey Shirqool Basaasnimo Oo Iran Soo Abaabushay..

Turkiga Oo Fashiliyey Shirqool Basaasnimo Oo Iran Soo Abaabushay..

8 months ago
Dowladda Federaalka oo ka labatay arin Baasaboorka Saameyn ku Yeelan Laheyd

Dowladda Federaalka oo ka labatay arin Baasaboorka Saameyn ku Yeelan Laheyd

1 year ago
RUTO oo lagu eedeeyay in uu 100 million siiyey wiilkisa +Sababta?

RUTO oo lagu eedeeyay in uu 100 million siiyey wiilkisa +Sababta?

8 months ago
Wasiirka gaashandhiga Somaliland oo la kulmay wafti ka socday UK + Sawirro

Wasiirka gaashandhiga Somaliland oo la kulmay wafti ka socday UK + Sawirro

12 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.