Balanbale – Talaado, 28-ka Oktoobar 2025 – Deegaanka Labi Kooraale ee hoostaga degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud ayaa lagu dilay Aabe iyo wiil uu dhalay, taas oo sii hurisay silsiladda dilalka ku saleysan aanooyinka qabiilka ee ka socda gobollada dhexe ee dalka.
Labada marxuum ayaa lagu kala magacaabi jiray Cabdullahi Maxamed Lugtii Jiic iyo Baashi Cabdullahi Maxamed Lugtii Jiic, waxaana la sheegay in ay dileen maleeshiyaad hubeysan oo deegaanka kasoo jeeda, kuwaas oo u dilay aargoosi qabiil.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in weerarka lagu bartilmaameedsaday labadan qof uu dhacay fiidkii Isniinta, isla markaana uu sababay cabsi iyo kacsanaan cusub oo ku faaftay deegaanka iyo nawaaxigiisa.
Dilkan ayaa qayb ka noqday dhacdooyin isdaba-joog ah oo ku saleysan aanooyinka qabiilka ee marar badan ka dhaca deegaannada Galgaduud iyo Mudug, halkaas oo dhowr jeer lagu dilay dad rayid ah.
Xaalad kacsanaan ah ayaa laga soo sheegaya deegaannada u dhow Balanbale iyo Guriceel, iyadoo dadka deegaanka ay ka baqdin qabaan in ay dagaallo dib uga qarxaan aagagga ay beeluhu isku horfadhiyaan.
Maamulka Galmudug ayaa lagu dhaliilay inuu ku guuldareystay wax ka qabashada dilalka noocan oo kale ah, kuwaas oo soo noqnoqday muddooyinkii u dambeeyay, islamarkaana saameeyay ammaanka iyo nolol maalmeedka bulshada deegaanka.
















