• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Mucaaradka oo si adag u cambaareeyay xariga Zamzam Cumar Cali

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
11 months ago
Reading Time: 3 mins read
Mucaaradka oo si adag u cambaareeyay xariga Zamzam Cumar Cali
Share

Muqdisho – (Wararka24):- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre ayaa Isniin, 20-ka Oktoobar 2025, si adag u cambaareeyay xarigga Zamzam Cumar Cali, oo habeenimadii Axadda lagu xiray magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen ilo madax-bannaan.

Zamzam Cumar Cali, oo la sheegay in ay kamid ahayd dadka dhawaan laga barakiciyay xaafadda Siinaay ee degmada Warta Nabadda, ayaa xalay lagu xiray gurigeeda, iyadoo ay fulisay ciidamada amniga dowladda Federaalka Soomaaliya. Ilo goob-joog ah ayaa sheegay in haweeneydan ay maalmahan eedeymo culus u jeedinaysay dowladda, kadib markii ay kasoo muuqatay kulamo ay soo qabanqaabiyeen xubno ka tirsan mucaaradka.

Xariga Zamzam Cumar ayaa abuuray caro iyo cambaareyn ka timid siyaasiyiin iyo xubno mucaarad ah, kuwaas oo qoraallo kala duwan ku dhaliilay tallaabada ay qaaday dowladda.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa qoraal uu soo saaray ku tilmaamay xariga mid sharci-darro ah, isagoo sheegay in uu ka tarjumayo sida ay dowladdu ugu xadgudbayso xorriyadda dadka shacabka ah. “Waxaan si adag u cambaareynayaa xarigga iyo tacaddiyada sii kordhaya ee ka socda magaalada Muqdisho, gaar ahaan dhacdada gurigeeda loogala baxay Zamzam Cumar Cali, taas oo muujinaysa sida madaxda dowladda ay ugu tumanayaan sharciga iyo nidaamka dowliga ah,” ayuu yiri Shariif Sheekh.

Shariif Sheekh Axmed ayaa intaas ku daray in dhacdadan foosha xun ay ku soo beegmayso iyadoo ciidamada booliska ay sii wadaan barakicinta dadka danyarta ah ee ku nool caasimadda, taas oo uu ku tilmaamay xadgudub bani’aadannimo.

Dhankiisa, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre ayaa isna qoraal uu soo saaray ku dalbaday in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo Zamzam Cumar Cali, isagoo ku tilmaamay hooyo danyar oo duruufo adag ku korinaysa carruur agoon ah.

“Waxaan Madaxweynaha ugu baaqayaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo hooyo Zamzam Cumar Cali, lana joojiyo xarigga haweenka, barakicinta danyarta, iyo boobka dhulka danta guud, kuwaas oo curyaaminaya horumarka dadka iyo dowladnimada Soomaaliyeed,” ayuu yiri Xasan Cali Khayre.

Xaaladda ayaa haatan xiisad siyaasadeed abuurtay, iyadoo mucaaradka ay ku eedeeyeen dowladda in ay adeegsanayso awood ciidan si ay u caburiso dadka dhaliila siyaasaddeeda.


Share

Recommended

Mareykanka

DEGDEG: Muxu yahay Xirirka ka dhaxeeya xuutiyiiinta iyo Shabaabku + Mareykanka iyo QM oo goan culus ka soosaaray..

2 years ago
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Qatar si uu uga qeybgalo aaska….

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Qatar si uu uga qeybgalo aaska….

3 months ago
Markabka qodista shidaalka Soomaaliya oo gaaray Muqdisho

Markabka qodista shidaalka Soomaaliya oo gaaray Muqdisho

6 months ago
Turkiga Oo Fashiliyey Shirqool Basaasnimo Oo Iran Soo Abaabushay..

Turkiga Oo Fashiliyey Shirqool Basaasnimo Oo Iran Soo Abaabushay..

8 months ago
Dowladda Federaalka oo ka labatay arin Baasaboorka Saameyn ku Yeelan Laheyd

Dowladda Federaalka oo ka labatay arin Baasaboorka Saameyn ku Yeelan Laheyd

1 year ago
RUTO oo lagu eedeeyay in uu 100 million siiyey wiilkisa +Sababta?

RUTO oo lagu eedeeyay in uu 100 million siiyey wiilkisa +Sababta?

8 months ago
Wasiirka gaashandhiga Somaliland oo la kulmay wafti ka socday UK + Sawirro

Wasiirka gaashandhiga Somaliland oo la kulmay wafti ka socday UK + Sawirro

12 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.