• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, September 11, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Bulshada

4 Sano Kadib: Dhaxalka Uu Madaxweyne Xasan Sheekh Ugu tagayo Umada Soomaliyeed…

Abdirahman Dahir by Abdirahman Dahir
11 months ago
Reading Time: 6 mins read
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud
Share

Muqdisho – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xilka qabtay 15-kii May 2022, ayaa afar sano ka dib ka tegaya dhaxal siyaasadeed iyo mid dowladeed oo lagu xasuusan doono, kaas oo si toos ah u taabanaya dhinacyada dhaqaalaha, amniga, madaxbannaanida qaranka iyo kaalinta ay Soomaaliya kaga jirto caalamka.

Mudadii uu xilka hayay, Soomaaliya waxay gaartay horumar taariikhi ah oo dhinacyo badan ah, iyadoo ku tallaabsatay go’aamo waaweyn oo soo celiyay kalsoonida caalamiga ah iyo sumcadda dowladnimada.

Deyn cafin iyo dib u soo kabasho dhaqaale


Guusha ugu weyn ee dowladdiisa laga xusuusan doono waa dhammaystirka barnaamijka dayn cafinta caalamiga ah (HIPC), taas oo Soomaaliya ka saartay liiska dalalka aadka u deynta badan. Tani waxay fursad u siisay dowladda in si toos ah ula macaamisho hay’adaha maaliyadeed ee caalamka. Hay’adaha IMF iyo Bangiga Adduunka ayaa ku amaanay dowladda sida ay u hirgelisay isbeddellada maaliyadeed iyo nidaamka maamulka hantida dadweynaha.

Qaadka cunaqabatayntii hubka iyo dhisidda ciidan qaran


Kadib 30 sano oo cunaqabatayn hubka ah, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa qaaday xayiraaddii saarneyd Soomaaliya. Go’aankaasi ayaa loo arkay guul diblomaasiyadeed oo uu hormuud u ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh, taas oo dowladda u suurtagelisay inay dib u dhisto ciidamo qaran oo casri ah. Muqdisho iyo gobollada dhexe ayaa maanta leh xaalad amni oo ka wanaagsan tii hore, iyadoo la tababaray ciidan cusub oo qalab casri ah loo sameeyay.

Ku biirista Bulshada Bariga Afrika (EAC)


Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay Bulshada Bariga Afrika, tallaabo fure u noqotay kor u qaadista ganacsiga, isu socodka dadka iyo maalgashiga gobolka. Ku biirista EAC ayaa loo arkaa mid xoojineysa xiriirka dhaqaale iyo siyaasadeed ee Soomaaliya iyo dalalka deriska ah.

Xirista xafiiska UNSOM iyo soo celinta madaxbannaanida siyaasadeed


Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xiray xafiiskii UNSOM ee Qaramada Midoobay oo muddo dheer awood ballaaran ku lahaa arrimaha gudaha Soomaaliya. Tallaabadan ayaa lagu tilmaamay calaamad muujineysa in Soomaaliya dib ula soo ceshatay madax-bannaanideeda siyaasadeed iyo awoodda ay u leedahay inay iskeed u hoggaamiso qorshaheeda amniga iyo dowlad-dhiska.

Xubinimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC)


Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay taariikhdeeda ku guuleysatay kursi aan joogto ahayn oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Guushan ayaa muujisay sumcadda sii kordheysa ee Soomaaliya iyo kaalinteeda cusub ee go’aamada caalamka.

Qodista shidaalka iyo maalgashiga kaabayaasha dhaqaalaha


Dowladda Xasan Sheekh ayaa bilowday qodista shidaalka badda iyo berriga, iyadoo heshiisyo la gashay shirkado caalami ah, gaar ahaan Turkey. Waxaa sidoo kale socda mashaariic ballaaran oo lagu dhisayo dekedda iyo garoonka ugu weyn Geeska Afrika, kuwaas oo lagu sheegay inay sare u qaadi doonaan awoodda dhaqaale ee dalka.

Dhismaha xarunta dayax-gacmeedka qaranka


Soomaaliya ayaa bilowday dhismaha xarunteedii ugu horreysay ee dayax-gacmeedka, taas oo lagu horumarinayo sayniska, tiknoolajiyadda iyo ilaalinta deegaanka, iyadoo mashruucaasi uu ka mid yahay iskaashiga cusub ee Soomaaliya iyo Turkey.

Dagaalka ka dhanka ah argagixisada


Kooxda Al-Shabaab oo muddo dheer dhibaato ku haysay dalka ayaa wajahday cadaadis milatari, dhaqaale iyo mid istaraatiiji ah oo ay dowladdu hoggaamineyso. Tallaabooyinkan ayaa hoos u dhigay awooddii kooxda iyo saamayntii ay ku lahayd Muqdisho iyo gobollada bartamaha.

Guulaha kale ee la taaban karo..


Dhismayaasha maamullo cusub, sameynta guddiga xuquuqul insaanka, iyo kororka miisaaniyadda qaranka ayaa lagu daray guulaha lagu xasuusan doono hoggaanka Madaxweyne Xasan Sheekh.

Afartii sano ee uu xilka hayay kadib, Soomaaliya waxay ku jirtaa marxalad isbeddel iyo kalsooni cusub, halka Xasan Sheekh uu uga tagayo dhaxal siyaasadeed iyo mid dowladeed oo lagu tilmaamay inuu saldhig u yahay dowladnimada casriga ah ee dalka.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.