• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Cali Jeyte oo ka hadlay dilka horjooge Cali Qoyane..

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
12 months ago
Reading Time: 3 mins read
Cali Jeyte
Share

Beledweyne – Cali Jeyte Cismaan, la-taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya ee arrimaha macawiisleyda, ayaa sheegay in dilka horjoogihii Al-Shabaab Cali Axmed Guure, oo loo yaqaanay Cali Qoyane, uu yahay guul weyn oo u soo hoyatay shacabka gobolka Hiiraan, maadaama uu ahaa qof si toos ah ugu lug lahaa dilalkii dadka rayidka ahaa ee ka dhacay inta u dhaxeysa Maxaas iyo Beledweyne 3-dii Sebtembar 2023.

Cali Jeyte ayaa sheegay in Cali Qoyane uu ahaa mas’uulka ugu weyn ee ka dambeeyay weerarradaasi, kuwaas oo lagu xasuuqay dad rayid ah oo hal jifo ah, isagoo tilmaamay in ujeeddada falkaasi ahayd in bulshada deegaanka lagu kala fogeeyo. “Dadkii la laayay waxay ahaayeen hal jifo. Qorshahaasi wuxuu ahaa mid loogu talagalay in bulshada lagu kala jabiyo,” ayuu yiri Cali Jeyte oo la hadlayay BBC.

Horjooge Cali Axmed Guure ayaa la sheegay inuu Al-Shabaab ka tirsanaa muddo ka badan toban sano, isagoo ku eedeysnaa falal isdaba joog ah oo uu kula kacay dadka rayidka ah iyo musaafiriinta ku safra wadooyinka gobolka Hiiraan.

Cali Jeyte ayaa sheegay in falkaasi xanuunka badan uu sababay kacdoon ballaaran oo shacabka Hiiraan ay ku qaadeen dagaal ka dhan ah Al-Shabaab. “Dagaalka si rasmi ah wuxuu u bilowday Agoosto 2022, laakiin dhacdadaas waxay ahayd middii dadka mideysay, oo ay u arkayeen in cadowgu uusan kala reebin naag iyo nin toona,” ayuu yiri.

Kacdoonka shacabka oo markii hore ka bilowday deegaanka Hiiraan ayaa markii dambe ku faafay gobollada kale ee dalka oo lagu guuleystay in Al-Shabaab laga saaro dhul ballaaran, inkastoo kooxdaasi ay dib u qabsatay meelo kamid ah deegaannadii hore looga saaray.

Cali Jeyte ayaa sheegay in dilka Cali Qoyane uu calaamad u yahay tallaabo muhiim ah oo lagu daciifiyay kooxda, isagoo xusay in dadka deegaanka ay u arkaan guushan mid “neecaaw iyo caafimaad u soo hoyday.”

“Waa cadaw baxay, dadka deegaanka waxay u arkaan in dhibaato weyn laga takhalusay,” ayuu yiri Cali Jeyte, isagoo intaas ku daray in dagaalka shacabka uu yahay mid aan siyaasad lagu dhisin balse salka ku haya badbaadinta naftooda, deegaanka iyo mustaqbalkooda..


Share

Recommended

Mareykanka

DEGDEG: Muxu yahay Xirirka ka dhaxeeya xuutiyiiinta iyo Shabaabku + Mareykanka iyo QM oo goan culus ka soosaaray..

2 years ago
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Qatar si uu uga qeybgalo aaska….

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Qatar si uu uga qeybgalo aaska….

3 months ago
Markabka qodista shidaalka Soomaaliya oo gaaray Muqdisho

Markabka qodista shidaalka Soomaaliya oo gaaray Muqdisho

6 months ago
Turkiga Oo Fashiliyey Shirqool Basaasnimo Oo Iran Soo Abaabushay..

Turkiga Oo Fashiliyey Shirqool Basaasnimo Oo Iran Soo Abaabushay..

8 months ago
Dowladda Federaalka oo ka labatay arin Baasaboorka Saameyn ku Yeelan Laheyd

Dowladda Federaalka oo ka labatay arin Baasaboorka Saameyn ku Yeelan Laheyd

1 year ago
RUTO oo lagu eedeeyay in uu 100 million siiyey wiilkisa +Sababta?

RUTO oo lagu eedeeyay in uu 100 million siiyey wiilkisa +Sababta?

8 months ago
Wasiirka gaashandhiga Somaliland oo la kulmay wafti ka socday UK + Sawirro

Wasiirka gaashandhiga Somaliland oo la kulmay wafti ka socday UK + Sawirro

12 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.