• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Afrika

Cabdiweli Gaas oo la Wareegay Xil Sare oo loo Magacaabay…

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
12 months ago
Reading Time: 2 mins read
Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas
Share

Addis Ababa – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa si rasmi ah ula wareegay xilka Ergeyga Gaarka ah iyo Madaxa Howlgalka Midowga Afrika u qaabilsan Koonfurta Suudaan, kadib munaasabad ka dhacday xarunta Midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa.

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mahmoud Ali Youssouf, ayaa Dr. Gaas ku soo dhaweeyay xilkan, isagoo sheegay in magacaabistiisu ay muujinayso kalsoonida uu ururku ku qabo khibraddiisa hoggaamineed iyo fahamka uu u leeyahay xaaladaha siyaasadeed ee gobolka kajira.

Dr. Cabdiweli Gaas ayaa lagu ammaanay dadaalkiisii hore ee dhanka nabad-dhisidda iyo dib-u-heshiisiinta, iyadoo xilkan cusub ee loo dhibay looga fadhiyo inuu hoggaamiyo qorshayaasha Midowga Afrika ee ku aaddan xasillinta iyo wada-hadalka siyaasadeed ee Koonfurta Suudaan.

Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas
Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, H.E. Maxamuud Cali Yuusuf, OO xafiiskiisa ku qaabilay H.E. Cabdiwelli Cali, Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika, ahna Madaxa Ergada Koonfurta Suudaan 13/10/2025.

Xilka cusub ee uu qabtay Dr. Gaas ayaa la sheegay inuu yahay mid muhiim ah oo ka mid ah jagooyinka ugu sarreeya ee qof Soomaali ah uu ka hayo hay’adaha caalamiga ah, waxaana lagu tilmaamay tallaabo muujinaysa doorka sii kordhaya ee Soomaaliya ku leedahay arrimaha gobolka iyo Afrika guud ahaan.

Magacaabista ayaa timid iyadoo Koonfurta Suudaan ay weli wajahayo xaalad adag oo dhinaca amniga iyo siyaasadda ah, halka dadaallada dib-u-heshiisiinta ee Midowga Afrika ay weli socdaan si loo helo xal waara oo dalkaas ka hirgala.

Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa hore u soo noqday Ra’iisul Wasaaraha soomalia iyo Madaxwaynaha maamulka Puntland, wuxuuna ka mid yahay aqoonyahannada Soomaaliyeed ee door muuqda ka ciyaaray arrimaha dowlad-dhiska iyo horumarinta siyaasadda gobolka.


Share

Recommended

Mareykanka

DEGDEG: Muxu yahay Xirirka ka dhaxeeya xuutiyiiinta iyo Shabaabku + Mareykanka iyo QM oo goan culus ka soosaaray..

2 years ago
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Qatar si uu uga qeybgalo aaska….

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Qatar si uu uga qeybgalo aaska….

3 months ago
Markabka qodista shidaalka Soomaaliya oo gaaray Muqdisho

Markabka qodista shidaalka Soomaaliya oo gaaray Muqdisho

6 months ago
Turkiga Oo Fashiliyey Shirqool Basaasnimo Oo Iran Soo Abaabushay..

Turkiga Oo Fashiliyey Shirqool Basaasnimo Oo Iran Soo Abaabushay..

8 months ago
Dowladda Federaalka oo ka labatay arin Baasaboorka Saameyn ku Yeelan Laheyd

Dowladda Federaalka oo ka labatay arin Baasaboorka Saameyn ku Yeelan Laheyd

1 year ago
RUTO oo lagu eedeeyay in uu 100 million siiyey wiilkisa +Sababta?

RUTO oo lagu eedeeyay in uu 100 million siiyey wiilkisa +Sababta?

8 months ago
Wasiirka gaashandhiga Somaliland oo la kulmay wafti ka socday UK + Sawirro

Wasiirka gaashandhiga Somaliland oo la kulmay wafti ka socday UK + Sawirro

12 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.