• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, May 9, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Puntland iyo Somaliland oo gaaray heshiiyay Taariikhi ah?

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
7 months ago
Reading Time: 2 mins read
Puntland iyo Somaliland oo gaaray heshiiyay Taariikhi ah?

Wararka Ugu Aqrintabadan

Mucaaradka oo isku abaabulay degmooyinka Muqdisho ka hor banaanbaxa berri

Mucaaradka oo isku abaabulay degmooyinka Muqdisho ka hor banaanbaxa berri

4 hours ago
Farmaajo oo dowladda iyo hay’adaha amniga uga digay caburinta shacabka

Farmaajo oo dowladda iyo hay’adaha amniga uga digay caburinta shacabka

4 hours ago
Load More
Share

Nairobi – Puntland iyo Somaliland ayaa maanta ku gaaray magaalada Nairobi heshiis taariikhi ah oo ku saabsan iskaashi dhanka amniga, ganacsiga iyo nabadeynta bulshada, ka dib shir socday 4–5 October 2025 oo ay ka qeyb galeen wasiiro iyo saraakiil sare oo ka kala socday labada dhinac.

War-murtiyeed laga soo saaray shirka ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay si wadajir ah uga wada hadleen xaaladda amni, siyaasadeed iyo dhaqaale ee Geeska Afrika, gaar ahaan masaalixda gaarka ah ee labada dhinac ay iska leeyihiin. Waxaa la isku afgartay iskaashi dhow oo ku saabsan dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab iyo Daacish, la dagaalanka dambiyada badda iyo ka hortagga dambiyada abaabulan ee saameeya danaha amniga iyo dhaqaalaha.

Qodobada heshiiska Puntland iyo Somaliland ka soo baxay ayaa waxaa ka mid ahaa:

1. Iskaashiga amniga – Puntland iyo Somaliland waxay ku heshiiyeen inay si wadajir ah uga hortagaan argagixisada, dambiyada badda iyo falalka sharci-darrada ah ee halista ku ah gobolka.

2. Nabadeynta bulshada – Waxaa la isla gartay muhiimadda nabad kama dambeys ah oo lagu soo afjaro colaaddii Ceerigaabo, iyadoo dadka barakacay lagu booriyay inay si nabad leh ugu soo laabtaan guryahooda. Puntland iyo Somaliland waxay ballanqaadeen taageero buuxda oo lagu xoojinayo gogosha nabadda.

3. Ganacsiga iyo isu socodka bulshada – Labada dhinac ayaa qiray baahida loo qabo in la xoojiyo isu socodka bulshada iyo ganacsiga, lana hirgeliyo kaabayaal dhaqaale oo isku xira.

4. Maamulka hawada – Shirku wuxuu si cad u cambaareeyay siyaasadda ku xad-gudubka badqabka duulimaadyada rayidka ah iyo isticmaalka hawada.

Gunnaanadkii shirka ayaa lagu adkeeyay muhiimadda joogteynta wada shaqeynta, taageerada dadaallada nabadda iyo iskaashiga la dagaalanka argagixisada. Puntland iyo Somaliland ayaa sidoo kale caddeeyay inay diyaar u yihiin wada shaqeyn miro dhal ah oo ay la yeeshaan Beesha Caalamka, si loo xoojiyo nabadda iyo horumarka gobolka.

Heshiiskan ayaa la arkayaa inuu yahay mid taariikhi ah, maadaama uu yahay markii ugu horreysay ee Puntland iyo Somaliland si rasmi ah ugu heshiiyaan iskaashi amni iyo ganacsi, iyadoo dhowaan Puntland ay sidoo kale heshiis siyaasadeed la gashay Jubbaland iyo Madasha Mucaaridka.


Share
Tags: puntlandSomalilandwararka mantawararka somalia
Previous Post

Wadahadalladii Kismaayo ee Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe oo fashil ku dhammaaday, Maxa so kordhay?

Next Post

Wasiirka Gaashandhiga Sweden oo booqasho rasmi ah ku yimid Muqdisho..

Related Posts

Mucaaradka oo isku abaabulay degmooyinka Muqdisho ka hor banaanbaxa berri

Mucaaradka oo isku abaabulay degmooyinka Muqdisho ka hor banaanbaxa berri

by Amin Cali Abdi
4 hours ago

Wararka24: Siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya ayaa la sheegay inay isku kala qaybiyeen degmooyin kala duwan oo ka tirsan magaalada...

Farmaajo oo dowladda iyo hay’adaha amniga uga digay caburinta shacabka

Farmaajo oo dowladda iyo hay’adaha amniga uga digay caburinta shacabka

by Amin Cali Abdi
4 hours ago

Wararka24: Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa war saxaafadeed uu soo saaray uga hadlay xarigga dhalinyaro...

Muungaab oo adkeeyay amniga caasimadda iyo hakinta hawlaha dhulka

Muungaab oo adkeeyay amniga caasimadda iyo hakinta hawlaha dhulka

by Amin Cali Abdi
4 hours ago

Wararka24: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa shir guddoomiyay loogana hadlay...

DAAWO: Mucaaradka oo war cusub kasoo saaray banaanbaxa berri ku qabanayaan Muqdisho

DAAWO: Mucaaradka oo war cusub kasoo saaray banaanbaxa berri ku qabanayaan Muqdisho

by Amin Cali Abdi
5 hours ago

Wararka24: Siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya ayaa war cusub kasoo saaray dibadbaxa ay qorsheynayaan inuu berri ka dhaco magaalada Muqdisho,...

Xasan Sheekh oo gaaray Jabuuti si uu uga qeyb galo caleemo-saarka Ismail Omar Geelle

Xasan Sheekh oo gaaray Jabuuti si uu uga qeyb galo caleemo-saarka Ismail Omar Geelle

by Amin Cali Abdi
8 hours ago

Wararka24: Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Djibouti City, halkaas...

Baarlamaanka Turkiga oo Soomaaliya u ansixiyay deeq $30 milyan ah

Baarlamaanka Turkiga oo Soomaaliya u ansixiyay deeq $30 milyan ah

by Amin Cali Abdi
9 hours ago

Wararka24: Baarlamaanka dalka Turkiga ayaa si rasmi ah u ansixiyay heshiis deeq taageero ah oo la siinayo dowladda...

Load More
Next Post
Wasiirka Gaashandhiga Sweden oo booqasho rasmi ah ku yimid Muqdisho..

Wasiirka Gaashandhiga Sweden oo booqasho rasmi ah ku yimid Muqdisho..

LIVE: Wararki maanta ugu danbeeyey Gaza?

LIVE: Wararki maanta caalamka: Trump oo waayey bilad uu aad u rabay in lasiiyo..?

Kadib dilkii argagaxa

dilkii argagaxa lahaa ee loo geystay Hooyo iyo Carruurteeda oo war cusub kasoo baxay?

Recommended

Putin

Erdogan oo Putin ula Hadlay Dagaalka Israel iyo Iran

11 months ago
Sacuudiga oo u oggolaaday Mareykanka saldhig cusub oo militari

Sacuudiga oo u oggolaaday Mareykanka saldhig cusub oo militari

2 months ago
Kenya

Kenya oo Diiday Qorshahe weyn oo ay Somaliland wadatay + Sababta

12 months ago
Mareykanka

Mareykanka oo Muujiyey Walaac Ku Saabsan Madaxweyne Xasan Sheekh

12 months ago
DF Soomaaliya oo saraakiil sare u dirtay Baraawe si loo xoojiyo amniga

DF Soomaaliya oo saraakiil sare u dirtay Baraawe si loo xoojiyo amniga

2 months ago
Maxamed Cali Ameeriko

Danjire Maxamed Cali Ameeriko oo lo magacaabay xilweyn + sababta?

9 months ago
NISA

NISA oo Burburisay Buundo Istiraatiiji ah oo Al-Shabaab Dhistay + Xog cusub?

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.