Awdheegle (Wararka24) – Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa shaacisay in Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Midowga Afrika ee AUSSOM ay maanta dib ula wareegeen gacan ku haynta degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Qoraal ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in ciidamadu gudaha u galeen degmada, isla markaana ay halkaasi ka saareen maleeshiyada Al-Shabaab. Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in ciidamada ay sidoo kale fuliyeen miino baaris degmada iyo deegaannada ku xeeran, si loo xaqiijiyo ammaanka shacabka.
Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga (MOD), Abuukar Macalin Maxamuud, oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo Militariga Uganda ee ka tirsan AUSSOM ay gacanta buuxda ku hayaan degmada Awdheegle.
“Waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu bishaareynaynaa in maanta ay gacanta ku jirto degmada Awdheegle iyo tuulooyinka hoos yimaada. Ciidanku waxay hubiyeen in degmada iyo hareeraheeda ay ammaan yihiin,” ayuu yiri afhayeenku.
Sidoo kale, wuxuu shacabka ugu baaqay inay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada dowladda iyo saaxiibadood, si loo xoojiyo ammaanka iyo nabadgelyada deegaanka.
Afhayeenka wasaaradda ayaa sheegay inaan wax dagaal ahi ka dhicin degmada intii ay ciidamada gudaha u galeen, hase yeeshee ma cadda halka ay aadeen maleeshiyadii Al-Shabaab ee halkaas ku sugnaa.
Tani ayaa ah markii ugu horreysay ee ciidamada dowladda iyo AUSSOM ay dib ula wareegaan degmada Awdheegle tan iyo 15-kii bishii March ee sanadkan, markaas oo ay lumiyeen gacan ku haynteeda.