Muqdisho, Sept 27, 2025 (Wararka24) – Bannaanbaxii mucaaradka ee maanta lagu waday inuu ka dhaco magaalada Muqdisho ayaa dib loo dhigay, kaddib wada-hadallo dhex maray dowladda federaalka iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka uu hoggaamiyo Shariif Sheekh Axmed.
Dhex-dhexaadinta waxaa hoggaaminayay Imaamka iyo Ugaaska Mudullood, iyadoo ay qayb ka ahaayeen xubno ka tirsan guddiga xildhibaannada beelaha Hawiye. Dadaalladaas ayaa horseeday in la gaaro is-afgarad mucaaradku aqbaleen.
Waxaa lagu heshiiyay in bannaanbaxa uu yahay xuquuq dastuuri ah, islamarkaana la qabto sagaal maalmood gudahood. Sidoo kale, dowladda iyo mucaaradka ayaa ku heshiiyeen inay si wadajir ah uga shaqeeyaan sidii uu bannaanbaxu ugu dhici lahaa si nabdoon, iyadoo dowladda ballan qaaday in ay amniga sugto.
Tallaabadani waxay dejisay xiisaddii ka taagneyd caasimadda, iyadoo laga baqayay in bannaanbaxu isu beddelo qalalaase hubeysan. Shacabka Muqdisho ayaa si deggan u qaabilay go’aanka, waxaana muuqata in xaaladda siyaasadeed ay si ku-meel-gaar ah u degsatay.
Maanta Shacabka Caasimada Muqdisho ayaa siyaabo kala duwan uga falceliyay mudaharaadkii maanta baaqday, iyadoo si weyn ugu kala aragti duwanyihiin dowladda iyo mucaaradka. kadaawo hoss Five somali TV