Wararka24: Taliska Ciidanka Puntland oo sheegtay in la dilay 44 xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyada Daacish, ka dib weerar cir iyo dhulba leh oo maanta ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari.

Warsaxaafadeed uu caawa soo saaray Taliska ayaa lagu sheegay in ciidamada hawlgalka ka wada dhulka buuraha ay dileen in ka badan 15 nin oo ajnabi ah, isla markaana ay gebi ahaanba la wareegeen deegaanada Qurac, Dhasaq, iyo Damdamle (Damdamaale).
Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale shaaciyay in Emirate-ka Carabta uu laba duqayn ka fuliyay deegaanka Damdamaale iyo Togga Damdamaale, waxaana lagu dilay 29 nin. Saraakiisha Ciidanka Puntland ayaa goor sii horreysay oo maanta ah waxay inta u dhaxeyso deegaanada Qurac iyo Damdamle ku soo bandhigeen meydadka xubno ka tirsanaa maleeshiyada Daacish.
Puntland oo sheegtay in dagaalkii maanta lagu dilay 44 xubnood oo Daacish ah ayaa muujinaysaa sida ay ugu guuleysteen ciidamada Puntland.
Hawlgalka ayaa maanta galay maalintii 51aad, iyadoona Taliska Ciidanka Puntland oo sheegtay in hawlgalka ciribtirka Daacish uu sii socon doono, illaa iyo inta laga soo afjarayo argagixisada ku dhuumaaleysanaysa deegaanada Puntland..
Taliska ayaa bogaadiyay taageerada shacabka iyo garab istaagooda ciidamada, xilligan oo dagaal adag ay kula jiraan Daacishta Somaliya. “Waxaan shacabkayaga ku bogaadinaynaa taageeradooda, garab istaagooda marxalad walba iyo sida ay uga feejigan yihiin, oo ay u ugaarsanayaan firxadka soo baxsada,” ayuu taliska ku sheegay warsaxaafadeedka.
Shacabka oo si iskood ah isku abaabulaya ayaa sameynaya tabarucaad ay ku taageerayaan ciidamada ku maqan furimaha hore. Shacabka ayaa maamulada degmooyinka iyo deegaanada ku wareejinaya deeq ay ugu talagaleen hawlgalka.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa waxay dhawaan shacabka ku ammaantay in ay si wanaagsan uga qayb qaateen wejigii koowaad ee hawlgalka, iyadoona ku boorisay in hawlgalka oo wejigiisii labaad socdana ay qayb lixaad leh ka qaataan.
Ololahan is xilqaan ayaa noqonaya kiisii ugu ballaarnaa ee ay shacabku ka sameeyaan deegaanada Puntland. Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa horaantii bishan sheegay in Puntland ay ku jirto dagaal ay ku keli tahay, iyadoo la dagaalameysa argagixiso caalami ah.
- Fahad Yaasiin oo cambaareeyay dhimista lacagaha qoysaska askarta dhimatay
- Turkiga iyo Pakistan oo taliyeyaashooda ugu sarreeya ciidamada u diraya Sacuudiga
- Cirro oo sheegay in aragtida Soomaaliweyn ay dagaal horseedi karto
- Puntland oo sheegtay inay soo furtay markab shidaal oo afduub loo geystay
- Cabsi laga qaba in Magaalooyin waa weyn ay Al-Shabaab u gacan galaan
Fahad Yaasiin oo cambaareeyay dhimista lacagaha qoysaska askarta dhimatay

ShareWararka24: Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya (NISA), Fahad Xaaji Yaasiin Daahir, ayaa cambaareeyay wararka sheegaya in la dhimay lacagaha taageerada ah ee loo qoondeeyo qoysaska askarta ku dhimatay gudashada waajibaadkooda, ciidamada ku naafoobay dagaallada iyo hawlgabka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Fahad Yaasiin ayaa sheegay in cabashada ku saabsan daryeelka qaybahaasi aysan…
Turkiga iyo Pakistan oo taliyeyaashooda ugu sarreeya ciidamada u diraya Sacuudiga

ShareWararka24: Turkiga iyo Pakistan ayaa taliyeyaashooda ugu sarreeya ciidamada u diraya Sacuudi Carabiya, iyadoo Riyadh ay dalbatay kulan degdeg ah oo looga hadlayo hirgelinta heshiiska difaaca wadajirka ah ee saddexda dal, xilli ay sii kordhayaan weerarrada Xuutiyiinta Yemen. Wasaaradda Difaaca Turkiga ayaa sheegtay in Taliyaha Guud ee Ciidamada, General Selçuk Bayraktaroğlu, uu u safrayo Riyadh…
Cirro oo sheegay in aragtida Soomaaliweyn ay dagaal horseedi karto

ShareWararka24: Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in isku day kasta oo lagu doonayo in dhammaan dadka Soomaalida ah lagu mideeyo hal dal uu sababi karo khilaaf iyo dagaal, isaga oo ka hadlayay mustaqbalka Somaliland iyo xiriirka ay la leedahay Soomaaliya. Cirro ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu 24-kii Sebtembar 2026 magaalada New…









