Ciidamada Difaaca Puntland ayaa hawlgal culus ka fuliyay buuraleyda gobolka Bari, gaar ahaan deegaanada u dhaxeeya Lugta Garaareed illaa Sulsul ee Calmiskaad, halkaas oo ay ku ogaadeen god weyn oo la sheegay inuu ahaa xarun tababar oo ay argagixisada Daacish u adeegsan jireen.
Godkan ayaa laga helay agabyo muhiim ah oo ay ku jiraan qalab waxbarasho, boorsooyin safar, dukumiintiyo aqoonsi, iyo qalab tababar. Ciidanku waxay sheegeen in godkaasi uu muujinayo in deegaankaasi uu ahaa saldhig weyn oo ay kooxdaasi ku diyaarsan jirtay xubnaheeda cusub.
Sidoo kale, hawlgallada ayaa wali si xawli ah u socda, iyadoo la raadinayo madaxda kooxda Daacish iyo xaasaskooda oo la tuhunsan yahay inay ku dhuumaaleysanayaan godad kale oo waaweyn oo ku yaalla buuraleyda Calmiskaad. Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay inay u dhowyihiin in ay si buuxda u burburiyaan xarumaha argagixisadu ku leeyihiin halkaasi.