Wararka24: DG Puntland ayaa shaacisay in toban kun oo qoys ay ku barakaceen dagaalka ka soconaya Gobolka Puntland, halkaas oo ciidamadeeda ay kula jiraan maleeshiyada Daacish.

Ciidamada Puntland ayaa dagaal ku jira maleeshiyada Daacish dhul buuraley ah oo hoostaga Degmooyinka Iskushuban iyo Balidhidin. Barakacayaasha ayaa gaaray duleedyada Degmooyinka Balidhidin, Qandala, iyo qaybo ka mid ah Iskushuban.
Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Gargaarka & Maareynta Masiibooyinka Puntland, Axmed Siciid Qaloombi, ayaa sheegay in gacan ay kula dagaalamayaan argagixisada, gacanta kalena ay uga shaqeynayaan horumarka iyo gargaarka.
Wasiir Qaloombi ayaa shaaciyay in gobolka ay ka hirgeliyeen xarun ka shaqeysa gargaarka la gaarsiinayo qoysaska barakacayaasha. “Gargaarkii ugu horreyay waxaan Arbacadii gaarsiiyey dadka ku soo barakacay Balidhidin, haddana waxaan ku howlanahay sidii wax looga qaban lahaa xaaladda barakacayaasha Qandala,” ayuu yiri.
Wasiirka ayaa Daacish ku eedeeyay in ay si khasab ah dadkaasi uga soo barakaciyeen guryahooda, isla markaana ay u diideen inay deegaanadoodii ku noolaadaan. “Horumarkii bay dadka halkaasi joogay ka hor istaageen, dowladnimadii bay ka hor istaageen, noloshii bay ka hor istaageen ugu dambayn inay ku noolaadaan deegaankoodii, waxna ku helaan,” ayuu yiri Qaloombi.
Ciidanka Puntland ayaa bishii labaad ku jira dagaal ka dhan ah Daacishta Somaliya,
Waana hawlgalka ciribtirka ee Daacish lagaga sifeynayo deegaanada Puntland. Ciidamada ayaa 4-tii bishan guda galay wejiga labaad ee hawlgalkooda, oo ay isugu fidinayaan galbeedka Buuraleyda Calmiskaad.
Taliska Ciidanka Puntland ayaa sheegay in hawlgalku uu yahay mid dhul iyo cirba leh. Waa hawlgalkii ugu weynaa ee Puntland ku qaaddo mid ka mid ah garabyada hubeysan ee dalka ka dagaalama..
NISA oo sheegtay inay duqeyn ku dishay 12 xubnood oo Al-Shabaab ah

ShareWararka24: Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya (NISA) ayaa sheegtay in 12 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay howlgal qorshaysan oo ka dhacay deegaanka Bur-Saruur ee gobolka Shabeellaha Dhexe. NISA ayaa sheegtay in howlgalka, oo ay hay’addu sheegtay inay ka qeyb qaateen saaxiibada caalamka, lagu bartilmaameedsaday goob ay ku urursanaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.…
Xamza Cabdi Barre oo sameeyay magacaabis cusub + sawiro

ShareWararka24: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa sameeyay magacaabis cusub oo lagu buuxinayo xilalka agaasimeyaasha guud ee laba wasaaradood oo ka tirsan dowladda federaalka. Wareegto uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha ayaa Cabdullaahi Ibraahim Cabdi loogu magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, halka Axmed Yuusuf Cabdulle loo magacaabay Agaasimaha Guud…
Guddiga Shaqaalaha Rayidka oo hakiyay hannaankii tartanka furan

ShareWararka24: Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hakiyay shaqooyin la xayeysiiyay oo la xiriiray xilalka Agaasimeyaasha Waaxda Maamulka Shaqaalaha, kaddib qaraar uu Golaha Shacabka ku laalay hannaankii tartanka furan ee uu dhawaan amray Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre. Golaha Shacabka ayaa 23-kii Sebtembar ansixiyay qaraar uu ku laalay Xeer Lr. 132 iyo…









