Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Dowladda Jabuuti oo Ka saaraysa dalkeeda Dad Ajaanib ah oo ay Ku Jiraan Soomaali

Dowladda Jabuuti ayaa bilowday olole rasmi ah oo lagu saarayo dadka ajaanibta ah ee aan haysan dukumentiyo sharci ah, kuwaas oo u badan dad kasoo jeeda Soomaaliya, Itoobiya iyo Yemen. Tallaabadan ayaa timid iyadoo xukuumaddu ay sheegtay in…

Abdirahman Dahir by Abdirahman Dahir
May 19, 2025, 11:50 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Dowladda Jabuuti
Share

Dowladda Jabuuti

Dowladda Jabuuti ayaa bilowday olole rasmi ah oo lagu saarayo dadka ajaanibta ah ee aan haysan dukumentiyo sharci ah, kuwaas oo u badan dad kasoo jeeda Soomaaliya, Itoobiya iyo Yemen. Tallaabadan ayaa timid iyadoo xukuumaddu ay sheegtay in ay doonayso in la adkeeyo ammaanka iyo kala dambeynta gudaha dalka.

Howlgallada socda ayaa lagu beegsanayaa dadka ku nool xaafadaha la dego si aan rasmi ahayn, iyadoo dad badan la xiray isla markaana la qorsheynayo in si toos ah dib loogu celiyo dalalkooda. Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in dadkaasi ay isugu jiraan muhaajiriin iyo qaxooti kasoo cararay dagaallo iyo dhibaatooyin dhaqaale.

Dowladda Jabuuti ayaa muddo dheer ahayd meel ay dad badan u arkaan marin ama meel nabdoon oo ay ku sii nagaadaan. Waxaa ku sugan qaxooti badan oo ka yimid Soomaaliya iyo Yemen, halkaas oo colaaduhu wali ka jiraan. Dadka la qabtay ayaa la sheegay in aysan haysan waraaqo sharciyeed oo ogolaanaya inay dalka ku joogaan ama ka shaqeeyaan.

Hay’adaha samafalka iyo xuquuqul in saanka ayaa walaac ka muujiyay tallaabada dowladda Jabuuti, iyagoo sheegaya in dib u celinta dadkaas gaar ahaan haweenka, carruurta, iyo dadka nugul ay sababi karto halis nololeed iyo tacaddiyo ka dhaca meelaha ay dib ugu laabanayaan.

Waxaa la filayaa in ololahaasi uu socdo maalmo kale, iyadoo dadka Soomaaliyeed ee ku sugan Jabuuti lagu wargeliyay in ay hubiyaan sharcigooda ama ay la xiriiraan hay’adaha ka shaqeeya arrimaha qaxootiga si ay uga badbaadaan tallaabooyinka socda.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

1 day ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

1 day ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

3 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

4 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

4 days ago
Ilhaan Cumar oo ka guureyso gurigeeda Washington DC iyo Wareysi ay bixisay

Ilhaan Cumar oo ka guureyso gurigeeda Washington DC iyo Wareysi ay bixisay

4 days ago
“Masar waxay difaaci doontaa dhulka Sacuudiga, mana weerari doonto Yemen” Al-Sisi

“Masar waxay difaaci doontaa dhulka Sacuudiga, mana weerari doonto Yemen” Al-Sisi

5 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.