• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Monday, October 13, 2025
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Axmed Madoobe oo ubaxay safar dibadeed, Sababta iyo Faahfahin dheerad ah

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
5 months ago
Reading Time: 2 mins read
Axmed Madoobe
Share

Axmed Madoobe

Madaxweynaha Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa maanta gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo uu ka bilaabay booqasho rasmi ah oo socon doonta dhowr maalmood, sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah.

Socdaalkiisa ayaa la rumeysan yahay inuu salka ku hayo abaabul siyaasadeed oo uu kaga jawaabayo khilaafka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya maamulkiisa iyo dowladda federaalka Soomaaliya. Ilo wareedyo ku sugan Nairobi ayaa sheegaya in Axmed Madoobe uu kulamo la yeelan doono xubno ka tirsan beesha caalamka iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed oo halkaas ku sugan.

Ujeedada ugu weyn ee kulamadan ayaa lagu sheegay in ay tahay in Axmed Madoobe uu taageero u raadsado mowqifkiisa ku aaddan muranka kala dhaxeeya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo si weyn u sii xoogeysanaya tan iyo markii la soo gabagabeeyay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho.

Waxaa sidoo kale lagu wadaa inuu la kulmo madax sare oo ka tirsan dowladda Kenya iyo bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Nairobi, si uu ugala hadlo xaaladda siyaasadeed iyo amni ee ka taagan Jubaland, gaar ahaan gobolka Gedo.

Axmed Madoobe
Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa saakay ka ambabaxay xarunta kumeel gaarka ah ee Kismaayo oo ay diyaarad gaar ah ka qaaday, isago ku wajahan magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya

Khilaafka u dhexeeya Jubaland iyo dowladda dhexe ayaa haatan gaaray heer cusub, iyadoo gobolka Gedo si gaar ah looga dareemayo xasillooni darro siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaqyo militari. Dowladda federaalka ayaa la wareegtay inta badan degmooyinka gobolka, marka laga reebo Doolow oo weli gacanta ugu jirta maamulka Jubaland.

Warar hoose ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay waddo qorshe ay maamulka ugu dhiseyso Jubaland, taas oo ay si cad uga muuqatay shirkii Golaha Wadatashiga. Qodob rasmi ah oo kasoo baxay shirkii ayaa xusay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha loo xil saaray inay talo ka keento arrinta Jubaland, si loo helo hannaan dowlad goboleed sharci ah oo waafaqsan dastuurka dalka.

“Golaha Wadatashiga Qaranka wuxuu isku raacay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay keento talooyin sharci ah oo ku saabsan xaaladda Jubaland,” ayaa lagu yiri qodob ka mid ah war-murtiyeedkii shirka.

Xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa labada dhinac ayaa muddo dheer soo jirtay, waxaana la xasuustaa dhacdooyinkii culus ee ka dhacay magaalada Raaskambooni, halkaas oo ay ciidamada dowladda guuldarrooyin kala kulmeen dagaal toos ah oo ay la galeen ciidamo daacadda u ah Axmed Madoobe.


Share
Tags: Axmed madoobeMadaxweynaha JubalandNairobi ee dalka Kenya
Previous Post

Kooxda Shabaab oo Isbeddel Cusub la timid, si ay Kalsoonida Shacabka u Kasbato.

Next Post

Somaliland waxay buuxisay shuruudihii Qaranimo, diyaar ayaana u nahay xalinta Dhibaatoyinka Soomaaliya kajira, Madaxweyne Cirro

Yasmin Jamal

Yasmin Jamal

Yasmiin waa qoraa si joogto ah Wararka24 uga qora wararka deg-dega ah ee marka tagan guud ahaan Soomaaliya iyo Geeska Afrika iyo caalamka.

Related Posts

148 Muwaadiniin

148 Muwaadiniin oo laga soo ciliyey dalka dibadisa oo Muqdisho lagu soo dhoweeyay

by Wararka24 News Desk
October 10, 2025

Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa galinkii dambe ee shalay magaalada Muqdisho kusoo dhoweysay 148 muwaadiniin Soomaaliyeed oo...

Kadib dilkii argagaxa

dilkii argagaxa lahaa ee loo geystay Hooyo iyo Carruurteeda oo war cusub kasoo baxay?

by Yasmin Jamal
October 10, 2025

Dhuusamareeb –Kadib dilkii argagaxa Ciidamada ammaanka ee dowlad-goboleedka Galmudug ayaa gacanta ku dhigay laba ka mid ah saddex eedeysane...

Wasiirka Gaashandhiga Sweden oo booqasho rasmi ah ku yimid Muqdisho..

Wasiirka Gaashandhiga Sweden oo booqasho rasmi ah ku yimid Muqdisho..

by Yasmin Jamal
October 7, 2025

Muqdisho – Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashandhiga Soomaaliya, Cumar Cali Cabdi, iyo Taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka, S/Guuto...

Puntland iyo Somaliland oo gaaray heshiiyay Taariikhi ah?

Puntland iyo Somaliland oo gaaray heshiiyay Taariikhi ah?

by Yasmin Jamal
October 6, 2025

Nairobi – Puntland iyo Somaliland ayaa maanta ku gaaray magaalada Nairobi heshiis taariikhi ah oo ku saabsan iskaashi...

Wadahadalladii Kismaayo ee Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe oo fashil ku dhammaaday, Maxa so kordhay?

Wadahadalladii Kismaayo ee Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe oo fashil ku dhammaaday, Maxa so kordhay?

by Wararka24 News Desk
October 6, 2025

Muqdisho (Wararka24)– Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in caawa burbur ku soo dhammaadeen wadahadalladii u dhexeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan...

Dowladda Federaalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo furtay 52 waddo oo ku yaalla Muqdisho

by Yasmin Jamal
October 4, 2025

Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ay maanta furto 52 waddo oo kala duwan oo ku...

Next Post
Somaliland

Somaliland waxay buuxisay shuruudihii Qaranimo, diyaar ayaana u nahay xalinta Dhibaatoyinka Soomaaliya kajira, Madaxweyne Cirro

Gabdhaha Soomaliyed

DAAWO, Gabdhaha Soomaliyed badankood qudbo siro ayaa lagu guursada, Wasiirka Haweenka Somaliya, Khadija Al Makhzumi

aabahay

Anigoo yar ayaa aabahay waxa dilay nin abti u ahaa, Taariikhda Aabe Dhalay Carruur 14.

Recommended

ku xigeenka

RW Ku Xigeenka oo Aadan cade ku Soo Dhaweeyay Guddoomiyaha Midowga Afrika Muqdisho + Sawiro

7 months ago
sirdoonka Mareykanka

Sirdoonka Mareykanka CIA oo Xafiis ka Furatay Boosaaso,

7 months ago
Xasan Sheekh

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Khudbad ka Jeediyay Xil-wareejinta NISA

4 months ago
148 Muwaadiniin

148 Muwaadiniin oo laga soo ciliyey dalka dibadisa oo Muqdisho lagu soo dhoweeyay

2 days ago
Wadahadalladii Kismaayo ee Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe oo fashil ku dhammaaday, Maxa so kordhay?

Wadahadalladii Kismaayo ee Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe oo fashil ku dhammaaday, Maxa so kordhay?

7 days ago
Afhayeenka ciidanka booliska oo ka warbixiyay dhacdadii Afarta Darjiin

Afhayeenka ciidanka booliska oo ka warbixiyay dhacdadii Afarta Darjiin

7 months ago
Ciidamada Difaaca

Ciidamada Puntland oo saldhigyo muhiim ah maanta kala wareegtay daacish + faahfaahin

7 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.