• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Axmed Madoobe oo ubaxay safar dibadeed, Sababta iyo Faahfahin dheerad ah

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
1 year ago
Reading Time: 3 mins read
Axmed Madoobe
Share

Axmed Madoobe

Madaxweynaha Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa maanta gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo uu ka bilaabay booqasho rasmi ah oo socon doonta dhowr maalmood, sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah.

Socdaalkiisa ayaa la rumeysan yahay inuu salka ku hayo abaabul siyaasadeed oo uu kaga jawaabayo khilaafka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya maamulkiisa iyo dowladda federaalka Soomaaliya. Ilo wareedyo ku sugan Nairobi ayaa sheegaya in Axmed Madoobe uu kulamo la yeelan doono xubno ka tirsan beesha caalamka iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed oo halkaas ku sugan.

Ujeedada ugu weyn ee kulamadan ayaa lagu sheegay in ay tahay in Axmed Madoobe uu taageero u raadsado mowqifkiisa ku aaddan muranka kala dhaxeeya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo si weyn u sii xoogeysanaya tan iyo markii la soo gabagabeeyay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho.

Waxaa sidoo kale lagu wadaa inuu la kulmo madax sare oo ka tirsan dowladda Kenya iyo bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Nairobi, si uu ugala hadlo xaaladda siyaasadeed iyo amni ee ka taagan Jubaland, gaar ahaan gobolka Gedo.

Axmed Madoobe
Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa saakay ka ambabaxay xarunta kumeel gaarka ah ee Kismaayo oo ay diyaarad gaar ah ka qaaday, isago ku wajahan magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya

Khilaafka u dhexeeya Jubaland iyo dowladda dhexe ayaa haatan gaaray heer cusub, iyadoo gobolka Gedo si gaar ah looga dareemayo xasillooni darro siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaqyo militari. Dowladda federaalka ayaa la wareegtay inta badan degmooyinka gobolka, marka laga reebo Doolow oo weli gacanta ugu jirta maamulka Jubaland.

Warar hoose ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay waddo qorshe ay maamulka ugu dhiseyso Jubaland, taas oo ay si cad uga muuqatay shirkii Golaha Wadatashiga. Qodob rasmi ah oo kasoo baxay shirkii ayaa xusay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha loo xil saaray inay talo ka keento arrinta Jubaland, si loo helo hannaan dowlad goboleed sharci ah oo waafaqsan dastuurka dalka.

“Golaha Wadatashiga Qaranka wuxuu isku raacay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay keento talooyin sharci ah oo ku saabsan xaaladda Jubaland,” ayaa lagu yiri qodob ka mid ah war-murtiyeedkii shirka.

Xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa labada dhinac ayaa muddo dheer soo jirtay, waxaana la xasuustaa dhacdooyinkii culus ee ka dhacay magaalada Raaskambooni, halkaas oo ay ciidamada dowladda guuldarrooyin kala kulmeen dagaal toos ah oo ay la galeen ciidamo daacadda u ah Axmed Madoobe.


Share

Recommended

ruushka iyo Mareekanka ay

Mareykanka iyo Ruushka oo Marki ugu horeysay mudo 4 sano Ah Shir Uga Furmay Dalka Sacuudiga..

2 years ago
Siyaasadeed

Urur siyaasadeed cusub oo caawa looga dhawaqayo mogadishu.

1 year ago
DF oo ku dhawaaqday in magaca “madaxweyne” loo isticmaali doonin madaxda dowlad-goboleedyada

DF oo ku dhawaaqday in magaca “madaxweyne” loo isticmaali doonin madaxda dowlad-goboleedyada

3 months ago
Wiilka Museveni oo sheegay in ay ku biirayaan dagaalka Iran iyo Israa’iil

Wiilka Museveni oo sheegay in ay ku biirayaan dagaalka Iran iyo Israa’iil

6 months ago
Midowga Yurub oo Qaaday talaabo kacareysiisay Mareykankana

Midowga Yurub oo Qaaday talaabo kacareysiisay Mareykankana. maxay tahay?

2 years ago
Soomaaliya oo sheegtay in mashruuca lacagta shilin Soomaaliga cusub uu marayo heer gabagabo ah

Soomaaliya oo sheegtay in mashruuca lacagta shilin Soomaaliga cusub uu marayo heer gabagabo ah

2 months ago
SSC-Khatumo

SSC-Khatumo oo Qabtay Shabakad dadka Tahriibin jirtay,+ Xogta

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.