• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Tuesday, September 29, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Maamulka Puntland oo si adag uga hadashay mowqifka SSC-Khaatumo ee ku aaddan gobolka Sanaag

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
1 year ago
Reading Time: 2 mins read
Maamulka Puntland
Share

Maamulka Puntland

Maamulka Puntland ayaa si kulul uga falceliyay hadallo dhowaan kasoo yeeray hoggaamiyaha SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Firdhiye, kuwaasoo la sheegay inay ku saabsan yihiin qorshe lagu doonayo in gobolka Sanaag lagu daro maamulka SSC-Khaatumo. Puntland ayaa arrintan u aragta mid khatar ku ah jiritaankeeda iyo isku haynta dhulkeeda.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo ka hadlay kulan maanta ka dhacay magaalada Garoowe ayaa sheegay in fikirkan laga soo abaabulay magaalada Muqdisho, isla markaana uu yahay mid weerar toos ah ku ah Puntland.

“Qorshaha lagu darayo Sanaag ee uu wado Firdhiye, waa mid aan marnaba aqbali doonin. Puntland kama oggolaaneyso in gobol kamid ah laga gooyo iyadoo aan wadatashi laga samayn,” ayuu yiri Wasiir Caydiid.

Wuxuu intaas ku daray in hoggaamiyaha SSC laga rabo inuu dib uga laabto hadalladiisa, isla markaana uu si cad uga raalli geliyo shacabka reer Puntland. Wasiirku wuxuu tilmaamay in siyaasadda Puntland ay ku dhisan tahay wadatashi iyo midnimo, ayna suurtagal ahayn in go’aanno masiiri ah si hal dhinac ah loo gaaro.

Wasiir Caydiid wuxuu sidoo kale ku eedeeyay hoggaamiyaha SSC inuu qayb ka yahay qorshe ballaaran oo lagu wiiqayo awoodda maamullada Puntland iyo Jubbaland, isagoo taageero ka helaya Dowladda Federaalka. Wuxuu sheegay in arrintani ay muujinayso dano gaar ah oo aan dan u ahayn shacabka deegaannadaasi.

Khilaafka u dhexeeya Puntland iyo SSC-Khaatumo ayaa u muuqda mid sii xoogeysanaya, gaar ahaan tan iyo markii Firdhiye uu ka qeyb galay shir ay Puntland si rasmi ah uga baxday, taas oo sii hurisay xiisadda siyaasadeed ee labada dhinac.


Share

Recommended

Xog cusub oo ka soo baxday xaaladda caafimaad ee Maxamed Bin Zayed

Xog cusub oo ka soo baxday xaaladda caafimaad ee Maxamed Bin Zayed

7 months ago
Eritrea oo soo dhaweysay tallaabada Mareykanka uu  kaga qaaday cunaqabateynta

Eritrea oo soo dhaweysay tallaabada Mareykanka uu  kaga qaaday cunaqabateynta

1 week ago
Mareykanka iyo Iiraan oo manta kala saxiixanaya heshiis taariikhi ah

Mareykanka iyo Iiraan oo manta kala saxiixanaya heshiis taariikhi ah

4 months ago
Xisbiga Liberal-ka Australia oo iska fogeeyay qorshe sir ah oo lagu adkeynayo fiisooyinka Soomaalida

Xisbiga Liberal-ka Australia oo iska fogeeyay qorshe sir ah oo lagu adkeynayo fiisooyinka Soomaalida

7 months ago
Xamsa Cabdi Barre oo magacaabay wasiirka cusub ee warfaafinta

Xamsa Cabdi Barre oo magacaabay wasiirka cusub ee warfaafinta

5 months ago
Shiinaha oo kordhinaya taageerada amniga Soomaaliya kadib kulan Muqdisho

Shiinaha oo kordhinaya taageerada amniga Soomaaliya kadib kulan Muqdisho

5 months ago
Shan qof oo ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay Miami

Shan qof oo ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay Miami

3 weeks ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.