• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Tuesday, October 14, 2025
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Maamulka Puntland oo si adag uga hadashay mowqifka SSC-Khaatumo ee ku aaddan gobolka Sanaag

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
5 months ago
Reading Time: 2 mins read
Maamulka Puntland
Share

Maamulka Puntland

Maamulka Puntland ayaa si kulul uga falceliyay hadallo dhowaan kasoo yeeray hoggaamiyaha SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Firdhiye, kuwaasoo la sheegay inay ku saabsan yihiin qorshe lagu doonayo in gobolka Sanaag lagu daro maamulka SSC-Khaatumo. Puntland ayaa arrintan u aragta mid khatar ku ah jiritaankeeda iyo isku haynta dhulkeeda.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo ka hadlay kulan maanta ka dhacay magaalada Garoowe ayaa sheegay in fikirkan laga soo abaabulay magaalada Muqdisho, isla markaana uu yahay mid weerar toos ah ku ah Puntland.

“Qorshaha lagu darayo Sanaag ee uu wado Firdhiye, waa mid aan marnaba aqbali doonin. Puntland kama oggolaaneyso in gobol kamid ah laga gooyo iyadoo aan wadatashi laga samayn,” ayuu yiri Wasiir Caydiid.

Wuxuu intaas ku daray in hoggaamiyaha SSC laga rabo inuu dib uga laabto hadalladiisa, isla markaana uu si cad uga raalli geliyo shacabka reer Puntland. Wasiirku wuxuu tilmaamay in siyaasadda Puntland ay ku dhisan tahay wadatashi iyo midnimo, ayna suurtagal ahayn in go’aanno masiiri ah si hal dhinac ah loo gaaro.

Wasiir Caydiid wuxuu sidoo kale ku eedeeyay hoggaamiyaha SSC inuu qayb ka yahay qorshe ballaaran oo lagu wiiqayo awoodda maamullada Puntland iyo Jubbaland, isagoo taageero ka helaya Dowladda Federaalka. Wuxuu sheegay in arrintani ay muujinayso dano gaar ah oo aan dan u ahayn shacabka deegaannadaasi.

Khilaafka u dhexeeya Puntland iyo SSC-Khaatumo ayaa u muuqda mid sii xoogeysanaya, gaar ahaan tan iyo markii Firdhiye uu ka qeyb galay shir ay Puntland si rasmi ah uga baxday, taas oo sii hurisay xiisadda siyaasadeed ee labada dhinac.


Share
Tags: Cabdiqaadir FirdhiyeMaamulka PuntlandpuntlandSSC-Khaatumo
Previous Post

Gobolka Banaadir Muddo Kordhin Lagu Sameeyay is Diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha

Next Post

Kooxda Shabaab oo Isbeddel Cusub la timid, si ay Kalsoonida Shacabka u Kasbato.

Yasmin Jamal

Yasmin Jamal

Yasmiin waa qoraa si joogto ah Wararka24 uga qora wararka deg-dega ah ee marka tagan guud ahaan Soomaaliya iyo Geeska Afrika iyo caalamka.

Related Posts

Cali Jeyte

Cali Jeyte oo ka hadlay dilka horjooge Cali Qoyane..

by Yasmin Jamal
October 14, 2025

Beledweyne – Cali Jeyte Cismaan, la-taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya ee arrimaha macawiisleyda, ayaa sheegay in dilka horjoogihii Al-Shabaab Cali...

Dagaal culus

Dagaal culus oo u dhaxeeya Puntland iyo Daacish oo Malinti labaad Socda, Maxa Cusub?

by Yasmin Jamal
October 14, 2025

Boosaaso – Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada ammaanka Puntland iyo kooxaha Daacish ayaa galay maalintiisii labaad, kadib...

Xasan Sheekh

Xasan Sheekh oo sheegay in Itoobiya ay ku Saxan-tahay doonista marin-badeed..

by Yasmin Jamal
October 14, 2025

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in codsiga Itoobiya ee ku saabsan helitaanka marin badeed uu yahay...

Puntland

Puntland oo nin u dhashay turkiga gacanta kuso dhigtay..

by Yasmin Jamal
October 14, 2025

Boosaaso – Ciidamada Puntland ayaa gacanta ku dhigay muwaadin u dhashay Turkiga oo lagu magacaabo Feyzul Xaashim Suleymaan,...

LIVE: Wararka maanta

LIVE: Wararka maanta Wararka24 Gudaha soomalia iyo caalamka si toos ah 247

by Amran Mahad
October 14, 2025

Wararka maanta gudaha Soomaaliya iyo caalamka oo toos ah. Warar degdeg ah, faahfaahsan, iyo xog sugan oo ka...

148 Muwaadiniin

148 Muwaadiniin oo laga soo ciliyey dalka dibadisa oo Muqdisho lagu soo dhoweeyay

by Wararka24 News Desk
October 10, 2025

Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa galinkii dambe ee shalay magaalada Muqdisho kusoo dhoweysay 148 muwaadiniin Soomaaliyeed oo...

Next Post
Kooxda Shabaab

Kooxda Shabaab oo Isbeddel Cusub la timid, si ay Kalsoonida Shacabka u Kasbato.

Axmed Madoobe

Axmed Madoobe oo ubaxay safar dibadeed, Sababta iyo Faahfahin dheerad ah

Somaliland

Somaliland waxay buuxisay shuruudihii Qaranimo, diyaar ayaana u nahay xalinta Dhibaatoyinka Soomaaliya kajira, Madaxweyne Cirro

Recommended

DF Soomaaliya oo Diiday in cunaqabateynta laga qaado Iran, Sababta?

DF Soomaaliya oo Diiday in cunaqabateynta laga qaado Iran, Sababta?

3 weeks ago
Siciid Cabdullaahi Deni

Madaxweyne Deni oo Safar Diblomaasiyadeed Ku Tegay Itoobiya iyo Imaaraadka

5 months ago
Hotel Qaahira Beledweyne 2

Wararka24: Hotel Qaahira Al-Shabaab Oo Weli ka dhex dagaalamaya + faahfaahin dherad ah

7 months ago
Puntland oo sheegtay inaysan aqoonsanayn Maamulka SSC-Khaatumo

Puntland oo sheegtay inaysan aqoonsanayn Maamulka SSC-Khaatumo

3 months ago
Mareykanka

Mareykanka Oo Dib U Bilaabay Fiisaha Ardayda Harvard

4 months ago
Shabaab

Wararka24: Weerarrada Al-Shabaab iyo daldaloolada amniga Soomaaliya

7 months ago
Madaxweynaha Iran

Madaxweynaha Iran oo Ku Adkaystay Inaanay Gorgortan Ka Gelin Barnaamijkooda Nukliyeerka ah.

5 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.