Mucaaradka ayaa goordhow soo saaray warsi cxaafadeed kadib marki uu madaxweynaha dowlada somalia Xassan Sheekh uu xali soo bandhigay urur siyaasadeed cusub oo ay ku mideysanyihiin dowlada iyo 3 maamul-gobaleed, war-sixaafadeedka ayaa lagu yidhi.
Dalku wuxuu ku jiraa xaalad adag, wuxuuna wajahayaa caqabado culus. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa laga filayey martigelinta gogol qaran oo ay isku yimaadaan dowladda federaalka, dhammmaan dowlad goboleedyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka, si looga hortago kooxaha argagixisada, xalna looga gaaro khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay beddelka dastuurka, doorashooyinka, iyo tayaynta xumida maamul ee sababtay guul-darrooyinka ciidamada xoogga dalka.
Madaxweynuhu wuxuu ku guuldarraystay in uu muujiyo xilkasnimo hoggaamineed oo lagu wajihi lahaa xaaladda degdegga ah ee uu dalku ku jiro, taa beddelkeedna wuxuu doorbiday dan shaqsi ah, kooxaysi siyaasadeed iyo tallaabooyin sii kala fogeynaya dadka, iyo isku day dalka dib loogu celinayo nidaamkii halka Xisbi oo horey loogu soo hoogaay.
Waxaa cad in uusan Madaxweynuhu garanin xaaladda uu dalku ku sugan yahay ee halista kooxaha argagixisada, gaar ahaan Al-Shabaab oo dib u qabsaday deegaanno badan oo naf iyo maalba uu ku baxay xoreyntoodii sanad iyo bar ka hor, sababaha keenay guul-darrooyinka dagaal ee ciidanku ku soo banneeyeen furimaha dagaalka, khilaafka siyaasadeed iyo xaaladda bini’aadannimo ee dalka ka taagan
Tan ayaa imaneysa iyadoo xalay madaxweyne hassan shiiq daahfuray xisbiga wadajirka iyo cadaalada oo e kujiraan qaar kamid ah xubmaha maamul goboledyada sida galmudug hirshabelle koonfur galbed iyo maamulka dhawaan galka ah ee ssc khaatumo
Lama oga sida ee ku dhamaan doonto xiisada kadhex taagan mucaaradka iyo dowlada federalka ee uu hogaminayo madaxweyne hassan shiiq maxamuud mucaraadka ayaa madaxweynaha ku cadaadinaya in uu doorashada waqtigeda ku qabto kana tanaasulo waxyabaha kale ee uu ku mashquulsanyahe


War murtiyedka mucaaradka dowlada somalia kaso baxay waxaa si wada jir ah usoo saaray madaxweyne hore
- Sharif Sheekh Axmed
- Shariif Xasan Sheekh Aadan
- Maxamed Mursal Sh Cabdiraxmaan
- Maxamad Xuseen Rooble
- Cumar C/rashiid Cali Sharmarke
- Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid)
- Xasan Cali Khayre
- Cabdiweli Sheekh Axmed
- Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif
- Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame
- Amb. Axmed Ciise Cawad
- C/qaadir Cosoble Cali
- Dr. Cabdinuur Sheekh Maxamed
- Dr C/naasir Cabdulle Maxamad
- Eng Cabdullahi Abuukar Xaaji
