Puntland oo Galmudug ugu mahad-cilisay soo qabashada Cabdiqani Sayloor.

Share

Galmudug

Garoowe – Maamulka Puntland ayaa si weyn uga mahadceliyay laamaha ammaanka ee Galmudug, gaar ahaan ciidamada booliska gobolka Mudug, kaddib markii ay gacanta kusoo dhigeen Cabdiqani Sayloor — eedeysane horey uga baxsaday gacanta dowladda islamarkaana ku xukunnaa dil toogasho ah.

Cabdiqani Sayloor, oo la sheegay inuu ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, ayaa horay uga baxsaday xabsiga Cirka ee magaalada Gaalkacyo, balse maanta lagu guuleystay in dib loo qabto Kadib howlgallo sirdoon oo wadajir ah oo laga fuliyay deegaanno ka tirsan Galmudug.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Puntland ayaa lagu yiri: Ciidanka Booliska Puntland, gaar ahaan Taliska Qaybta Gobolka Mudug, wuxuu si rasmi ah u shaaciyey in lagu guuleystay qabashada xukumane Cabdiqani Saleebaan Jaamac (Sayloor), kaasoo horey maxkamada Ciidamadda ay dil toogasho ah ugu xukuntay,

kadib markii lagu helay dambiyo culus oo ka dhan ah amniga iyo nolosha shacabka. Hawlgal si taxadar leh loo qorsheeyay oo ay si wadajir ah u u fuliyeen Ciidamada Booliska, shacabka ku dhaqan deegaanada Wisil iyo Bacaadwayne ayaa lagu soo qabtay xukumanaha, kaasi oo muddo ku dhuumaaleysanayey gudaha Gobolka Mudug.

Xukumane Cabdiqani Saleebaan Jaamac (Sayloor) ayaa ka tirsanaa shabakad falal dilal qorsheysan ah ka geysatay magaalada Gaalkacyo iyo nawaaxigeeda, waxaana uu horey uga baxsaday gacanta Dawladda.
Laamaha amniga Puntland oo si joogto ah u raadinayay, isla markaana madaxiisa dul dhigay abaal-marin lacageed, ayaa ugu dambeyn ku guuleystay inay ku qabtaan deegaanka Bacaadwayne ee maamulka Galmudug, kaas oo hadda loo gudbiyay Xabsiga Dhexe si loo mariyo habraaca sharciga ee xukunkii horey loogu riday.

Ciidanka Booliska Puntland wuxuu u mahadcelinayaa shacabka deegaanka iyo ciidamada deegaanka ee gacan weyn ka geystay hawlgalka lagu qabtay xukumanaha, wuxuuna shacabka Puntland u xaqiijinayaa in laamaha amniga ay ka go’an tahay suggidda amniga iyo hirgelinta sharciga.

Maamulka Puntland ayaa si gaar ah ugu bogaadiyay ciidamada ammaanka ee labada dhinac — Galmudug iyo Puntland — sida ay isu kaashadeen hawlgalkan guuleystay, oo uu maamulka ku sifeeyay “mid ka tarjumaya sida ay uga go’an tahay labada maamul sugidda amniga iyo la dagaallanka argagixisada.”

Sidoo kale, Taliska guud ee Booliska Puntland iyo saraakiisha heer gobol ayaa si gaar ah loogu amaanay doorkooda muhiimka ah ee xaqiijinta amniga iyo la shaqeynta hay’adaha kale ee ammaanka ee dalka.

Maamulka Puntland ayaa sheegay in aysan marnaba aqbali doonin cid dhibaato ku ah amniga bulshada, iyadoo la xoojiyay dadaallada lagu soo qabanayo dadka baxsadayaasha ah iyo kuwa caadaystay dambiyada culus.

Heshiiska iyo iskaashiga dhanka amniga ee ka dhexeeya Puntland iyo Galmudug ayaa bilihii la soo dhaafay dhalay natiijooyin la taaban karo, kuwaas oo horseeday in la qabto xubno muhiim ah oo ka tirsan kooxaha xagjirka ah.


Share