• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Wednesday, August 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Puntland oo Galmudug ugu mahad-cilisay soo qabashada Cabdiqani Sayloor.

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
1 year ago
Reading Time: 2 mins read
Galmudug

Wararka Ugu Aqrintabadan

‎Shiinaha oo maraakiib dagaal oo cusub u diraya Gacanka Cadmeed‎

‎Shiinaha oo maraakiib dagaal oo cusub u diraya Gacanka Cadmeed‎

15 hours ago
Itoobiya oo ciidamadeeda AUSSOM kala baxday degmada Buurhakaba

Itoobiya oo ciidamadeeda AUSSOM kala baxday degmada Buurhakaba

2 days ago
Load More
Share

Galmudug

Garoowe – Maamulka Puntland ayaa si weyn uga mahadceliyay laamaha ammaanka ee Galmudug, gaar ahaan ciidamada booliska gobolka Mudug, kaddib markii ay gacanta kusoo dhigeen Cabdiqani Sayloor — eedeysane horey uga baxsaday gacanta dowladda islamarkaana ku xukunnaa dil toogasho ah.

Cabdiqani Sayloor, oo la sheegay inuu ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, ayaa horay uga baxsaday xabsiga Cirka ee magaalada Gaalkacyo, balse maanta lagu guuleystay in dib loo qabto Kadib howlgallo sirdoon oo wadajir ah oo laga fuliyay deegaanno ka tirsan Galmudug.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Puntland ayaa lagu yiri: Ciidanka Booliska Puntland, gaar ahaan Taliska Qaybta Gobolka Mudug, wuxuu si rasmi ah u shaaciyey in lagu guuleystay qabashada xukumane Cabdiqani Saleebaan Jaamac (Sayloor), kaasoo horey maxkamada Ciidamadda ay dil toogasho ah ugu xukuntay,

kadib markii lagu helay dambiyo culus oo ka dhan ah amniga iyo nolosha shacabka. Hawlgal si taxadar leh loo qorsheeyay oo ay si wadajir ah u u fuliyeen Ciidamada Booliska, shacabka ku dhaqan deegaanada Wisil iyo Bacaadwayne ayaa lagu soo qabtay xukumanaha, kaasi oo muddo ku dhuumaaleysanayey gudaha Gobolka Mudug.

Xukumane Cabdiqani Saleebaan Jaamac (Sayloor) ayaa ka tirsanaa shabakad falal dilal qorsheysan ah ka geysatay magaalada Gaalkacyo iyo nawaaxigeeda, waxaana uu horey uga baxsaday gacanta Dawladda.
Laamaha amniga Puntland oo si joogto ah u raadinayay, isla markaana madaxiisa dul dhigay abaal-marin lacageed, ayaa ugu dambeyn ku guuleystay inay ku qabtaan deegaanka Bacaadwayne ee maamulka Galmudug, kaas oo hadda loo gudbiyay Xabsiga Dhexe si loo mariyo habraaca sharciga ee xukunkii horey loogu riday.

Ciidanka Booliska Puntland wuxuu u mahadcelinayaa shacabka deegaanka iyo ciidamada deegaanka ee gacan weyn ka geystay hawlgalka lagu qabtay xukumanaha, wuxuuna shacabka Puntland u xaqiijinayaa in laamaha amniga ay ka go’an tahay suggidda amniga iyo hirgelinta sharciga.

Maamulka Puntland ayaa si gaar ah ugu bogaadiyay ciidamada ammaanka ee labada dhinac — Galmudug iyo Puntland — sida ay isu kaashadeen hawlgalkan guuleystay, oo uu maamulka ku sifeeyay “mid ka tarjumaya sida ay uga go’an tahay labada maamul sugidda amniga iyo la dagaallanka argagixisada.”

Sidoo kale, Taliska guud ee Booliska Puntland iyo saraakiisha heer gobol ayaa si gaar ah loogu amaanay doorkooda muhiimka ah ee xaqiijinta amniga iyo la shaqeynta hay’adaha kale ee ammaanka ee dalka.

Maamulka Puntland ayaa sheegay in aysan marnaba aqbali doonin cid dhibaato ku ah amniga bulshada, iyadoo la xoojiyay dadaallada lagu soo qabanayo dadka baxsadayaasha ah iyo kuwa caadaystay dambiyada culus.

Heshiiska iyo iskaashiga dhanka amniga ee ka dhexeeya Puntland iyo Galmudug ayaa bilihii la soo dhaafay dhalay natiijooyin la taaban karo, kuwaas oo horseeday in la qabto xubno muhiim ah oo ka tirsan kooxaha xagjirka ah.


Share
Tags: Garowepuntlandsomaliawararka mantawararka somalia
Previous Post

India iyo Pakistan oo ku heshiiyay xabad joojin degdeg ah kaddib dagaal xooggan oo khasaaro gaystay

Next Post

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Booqday Goobihii uu Burburiyay Roobkii Xooganaa ee ka Da’ay Muqdisho

Related Posts

‎Shiinaha oo maraakiib dagaal oo cusub u diraya Gacanka Cadmeed‎

‎Shiinaha oo maraakiib dagaal oo cusub u diraya Gacanka Cadmeed‎

by Amin Cali Abdi
15 hours ago

Wararka24: Shiinaha ayaa bartamaha bishan Agoosto u diri doona maraakiib dagaal oo cusub Gacanka Cadmeed iyo biyaha Soomaaliya,...

Itoobiya oo ciidamadeeda AUSSOM kala baxday degmada Buurhakaba

Itoobiya oo ciidamadeeda AUSSOM kala baxday degmada Buurhakaba

by Amin Cali Abdi
2 days ago

Wararka24: Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ahaa howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa ka baxay degmada Buurhakaba...

Doorashada guddoomiyaha golaha shacabka oo berri ka dhaceysa Muqdisho

Doorashada guddoomiyaha golaha shacabka oo berri ka dhaceysa Muqdisho

by Amin Cali Abdi
2 days ago

Wararka24: Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa inay berri ka dhacdo magaalada Muqdisho,...

Puntland oo la wareegtay taliskii saddexaad ee ciidama ka amarqaata DF oo ku yaalla Carmo

Puntland oo la wareegtay taliskii saddexaad ee ciidama ka amarqaata DF oo ku yaalla Carmo

by Amin Cali Abdi
3 days ago

Wararka24: Puntland ayaa maanta si rasmi ah ula wareegtay talis ciidan oo ku yaalla deegaanka Carmo ee gobolka...

Madaxweyne Cirro oo Soomaaliya ku eedeeyay faragelin lagu hayo Somaliland

Madaxweyne Cirro oo Soomaaliya ku eedeeyay faragelin lagu hayo Somaliland

by Amin Cali Abdi
4 days ago

Wararka24: Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay inay faragelin ku hayso arrimaha...

Soomaaliya oo laba tartame u dirtay tartanka caalamiga ah ee Qur’aanka Sacuudiga

Soomaaliya oo laba tartame u dirtay tartanka caalamiga ah ee Qur’aanka Sacuudiga

by Amin Cali Abdi
5 days ago

Wararka24: Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sagootisay laba arday oo dalka ku matalaya...

Load More
Next Post
Guddoomiyaha gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Booqday Goobihii uu Burburiyay Roobkii Xooganaa ee ka Da’ay Muqdisho

Ruushka

Xiisadda Ruushka iyo Ukraine – Isku Day Nabadeed ama Dagaal Qorsheysan?

Soomaaliyeed

Xujeyda Soomaaliyeed ee Sanadka 1446 oo Si Diirran Loogu Soo Dhaweeyay Sucuudiga

Recommended

Soomaaliya

Qorshaha Gargaarka Soomaaliya oo Hoos u Dhacay Sannadka 2026.

7 months ago
Xasan Sheekh

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la Kulmay Hoggaanka Xisbiyada Siyaasadda

1 year ago
Turkiga oo sheegay in shidaal laga soo saari karo Soomaaliya muddo 9 bilood ah

Turkiga oo sheegay in shidaal laga soo saari karo Soomaaliya muddo 9 bilood ah

4 months ago
Ciidamada Macawiisleeyda oo weerar culus ku qaaday Al-Shabaab deegaanka Goobo ee gobolka Hiiraan

Ciidamada Macawiisleeyda oo weerar culus ku qaaday Al-Shabaab deegaanka Goobo ee gobolka Hiiraan

10 months ago
Xuutiyiinta oo Sacuudiga ku eedeeyay inuu u adeegayo danaha Mareykanka iyo Israa’iil

Xuutiyiinta oo Sacuudiga ku eedeeyay inuu u adeegayo danaha Mareykanka iyo Israa’iil

4 weeks ago
Puntland iyo Jubbaland oo war culus kasoo saaray arrintii maanta ka dhacday Garoonka Muqdisho,

Mucaaradka oo loo ogolaaday in hubkooda ay la galaan xerada Xalane

6 months ago
Maxkamada Sare ee Kenya oo hakisay qorshe la xiriira xarumaha Ebola

Maxkamada Sare ee Kenya oo hakisay qorshe la xiriira xarumaha Ebola

2 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.