Ciidamada Mareykanka ayaa dib ugu laabtay saldhigga cirka ee Baledogle ee gobolka Shabelaha Hoose, kadib mudo dhowr todobaad ah oo ay ka maqnaayen.
Sarkaal sare oo ka tirsan Wasaarada Gashandhigga Somaaliya, oo codsaday in magaciisa la qariyo, ayaa sheegay in ciidamada Mareykanku ay saldhigga gaaren qiyaastii toddobad ka hor.
Sarkaalka ayaa sheegay in ciidamadaasi ay habenimadii Axadda iyo Isniinta fuliyeen howlgallo iyo duqeymo cirka ah oo lagu bartilmamedsaday goobo ay koxaha argagixisadu ku sugnayen.
Wuxuu diiday inuu sheego meesha ay ciidamadu horey ugu wareegeen, isagoo ku sababeeyay arrimo amni.
Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) si rasmi ah uma xaqiijin soo laabashada ciidamada iyo tirada askarta hadda joogta Baledogle.
Sarkalka ayaa sheegay in ciidamada Somaliya ay dhawaan bilaabi donaan howlgal balaaran oo ka dhan ah Al-Shabaab.
Wuxuu sheegay in ciidamada Mareykanku ay howlgalkaas ka qaban doonaan talobixin, hagid iyo duqeymo cirka ah.
“Al-Shabaab sidii hore ma aha,” ayuu yiri sarkalka, isago sheegay in hoggamiyeyal badan oo khibrad leh laga dilay kooxda.
Wuxuu intaa ku daray in koxdu hadda inta badan qorato dhalinyaro yaryar oo loo diro dagallo ay ku dhintaan.
Dowladda Somaaliya ayaa Isniinti shegtay in ciidamada Danab iyo qeybo kale, iyado la kaashanaya tageero cirka oo calami ah, ay toddobaadyadi la soo dhaafay afar gobol ku dileen ilaa 285 dagaalyahan oo Al-Shabaab ah, oo ay ku jiraan 12 horjooge.
AFRICOM ayaa 17-kii Noofembar sheegtay inay duqeyn ka fulisay agagarka Kismaayo, iyadoo kashanaysa dowladda Somaliya.
Ku xigeenka Taliyaha AFRICOM, Jeneraal John Brennan, ayaa 10-kii Noofembar u sheegay wariyeyasha in go’aankasi uu ahaa mid dhaqaale oo keliya.
Wuxuu sheegay in garoonka diyaaradaha uu xaalad xun ku jiro, dayactirkiisuna uu ku kacayo tobanan milyan oo doollar, iyadoo ciidamada badankod loo wareejiyay Muqdisho.
Saldhigga Baledogle ayaa muddo dheer ahaa xarunta ugu muhiimsan ee lagu tababaro ciidamada Danab, waxaana bishii Sebtembar halkaas ka qalin jabisay dufcaddii 12-aad ee ciidamadaas.









