Wararka24: Fagaare ku yaala Magaalada Baydhabo ayaa galabta lagu toogtay laba nin oo dhallinyaro ah, ka dib markii maxkamad goboleedku ku xukuntay inay toorey ku dileen haweeney dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Luul Cabdiladiif Macalin.
Maxkamadda Gobolka Baay ayaa Mukhtaar Maxamed Nuur iyo Nuur Maxamed Xasan, oo labaduba 20 jir ahaa, ku xukuntay dil toogasho ah, iyadoo lagu helay inay Axaddii la soo dhaafay ku dileen marxuumadda. Maxkamadda ayaa sidoo kale shaacisay in labada nin ay horey uga sii qaateen moobeel nooc Samsung Galaxy A15 ah, balse waxay ku weyday mid ka mid ah eedeymihii uu Xafiiska Xeer Ilaalinta ku soo eedeeyay, oo ah inay kufsadeen haweeneydaasi ka hor inta aysan dilin.
Koonfur Galbeed sida degdeg ah dil ugu fulisay laba nin ayaa muujinaysaa sida ay u degdegaysay maxkamadda inay xukunka ku fuliso.

Hal fadhi oo maxkamad ah ayaa ku soo geba-gabeysay dhageysiga dacwadda iyo ridista xukunka.
Arbacadan ayaa xukunka lagu riday raggaasi, isla Arbacadan ayaana lagu toogtay fagaaraha ku yaala Magaalada Baydhabo Koonfur Galbeed. Dadweyne fara-badan ayaa isugu soo baxay fagaaraha xukunka lagu la fuliyay labadaasi nin.
Macalin Ilyaas Macalin, oo ah sayga marxuumadda, ayaa Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed kaga mahadceliyay sida ay caddaaladda ugu soo dhicisay. Ninkan oo nin naafo ah ayaa warbaahinta kula hadlay goobta, wax yar uun ka dib markii labada nin la qisaasay.
Maxkamadda ayaa si degdeg ah uga jawaabtay codsi uu ninkaasi u soo jeediyay, kaas oo Talaadadii shalay ka dalbaday in uu caddaalad helo. Macalin Ilyaas ayaa ah macalin dugsi Quraan ka mid ah dugsiyada ku yaala Magaalada Baydhabo.
Arrinta ay dadku ka argagaxeen ayaa ah in mid ka mid ah labada nin ee dilka lagu fuliyay, Mukhtaar Maxamed Nuur, uu isku qoys yahay Macalin Ilyaas.
Wasiirka Caddaaladda & Garsoorka Koonfur Galbeed iyo Wasiirka Amniga ayaa fagaaraha ka sheegay in cid kasta oo dil gaysata lagu toogan doono fagaarahan. Labada nin ee galabta la qisaasay ayaa la sheegay in ay marxuumadda ku dileen xaafadda Mursal ee Magaalada Baydhabo. Raggan ayaa marxuumadda ifka uga dambeeyay keliya saddex cisho.


Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed ayaa xiisad ka dhex abuuray Soomaaliya iyo Kenya, kaddib eedeymo la xiriira Laftagareen oo ku sugan Nairobi.
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro ayaa la sheegay inuu Brazil uga baxay Mareykanka kaddib guuldarradii doorashada, Washington-na fiise ayay siinaysaa.
Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil ayaa u muuqata mid aan cidna ku guuleysan, iyadoo garabka Netanyahu iyo kan Eisenkot ay isku dhow yihiin.












