Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Macawiisleyda oo la wareegtay qaybo ka mid ah xerada Lama-galay ee Beledweyne

Ciidamo ka tirsan kuwa deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda, kuwaas oo watay gaadiidka dagaalka, ayaa la wareegay qaybo ka mid ah xerada Lama-galay ee magaalada Beledweyne, xarun muhiim u ah maamulka gobolka Hiiraan iyo ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
October 31, 2026, 8:13 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Macawiisleyda oo la wareegtay qaybo ka mid ah xerada Lama-galay ee Beledweyne
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Ciidamo ka tirsan kuwa deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda, kuwaas oo watay gaadiidka dagaalka, ayaa la wareegay qaybo ka mid ah xerada Lama-galay ee magaalada Beledweyne, xarun muhiim u ah maamulka gobolka Hiiraan iyo ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.

‎‎Ciidamadan oo ay hoggaaminayeen siyaasiyiin iyo ganacsato ayaa fariisimo ka samaystay qaybo ka mid ah xerada, gaar ahaan xarumaha maamulka gobolka Hiiraan. Waxay sidoo kale la wareegeen afaafka hore ee buundada Liqliqato, halkaas oo ay ka sameysteen fariisimo.‎‎

Xerada Lama-galay waxay ka kooban tahay laba qaybood oo waaweyn. Qaybta hore waxaa ku yaalla xarunta maamulka gobolka Hiiraan, halkaas oo uu hadda degan yahay Maxamed Xuseen Maxamed, oo maamulka Hirshabeelle uu sheegay inuu xilka ka qaaday, balse diiday go’aankaas.‎‎

Qaybta kale ee xerada waxaa ku yaalla saldhigga ciidamada xoogga dalka, halkaas oo uu ku sugan yahay Muuse Salaad Weheliye, oo Hirshabeelle u magacowday guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan.‎‎

Wararka laga helayo magaalada ayaa sheegaya in ciidamada xoogga dalka ee ku sugnaa afaafka hore ee xerada ay u baneeyeen ciidamada Macawiisleyda, iyadoo aan la soo sheegin wax rasaas ah oo labada dhinac ay isweydaarsadeen.‎‎

Ciidamada deegaanka ayaa sidoo kale fariisimo ka samaystay bannaanka garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif iyo qaybo kale oo ka mid ah magaalada Beledweyne.‎‎

Dhaqdhaqaaqan ayaa yimid kaddib markii la shaaciyay in madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle, Cabdifataax Xasan Afrax, iyo wafdi uu hoggaaminayo ay Jimcihii imaanayaan magaalada Beledweyne.‎‎

Guddoomiyihii hore ee degmada Maxaas, Muumin Maxamed Xalane, ayaa sheegay in ciidamadoodu aysan weerar ku ahayn ciidamada xoogga dalka, balse ay doonayaan inay la wareegaan xarumaha maamulka gobolka Hiiraan.‎‎

Wuxuu saraakiisha ciidamada xoogga dalka iyo kuwa nabad-sugidda ugu baaqay inaysan faragelin ku sameyn dhaqdhaqaaqooda, isaga oo sheegay inay iska difaaci doonaan haddii la soo weeraro.

‎‎Xaaladda magaalada Beledweyne ayaa la sheegay inay hadda deggan tahay, hase yeeshee dhaqdhaqaaqa ciidamada iyo muranka ka taagan maamulka gobolka Hiiraan ayaa abuuray walaac ku saabsan sida uu ku dambeyn doono khilaafka u dhexeeya dhinacyada.‎


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Macawiisleyda oo la wareegtay qaybo ka mid ah xerada Lama-galay ee Beledweyne

Macawiisleyda oo la wareegtay qaybo ka mid ah xerada Lama-galay ee Beledweyne

43 seconds ago
Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

1 day ago
Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

1 day ago
Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

2 days ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

2 days ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

2 days ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

2 days ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

3 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.