Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Booliiska Banaadir oo Beeniyay Wararka Sheegaya in Ciidamo Galeen xarumaha  Hormuud

Taliska Booliiska Gobolka Banaadir ayaa beeniyay warar lagu faafiyay baraha bulshada oo sheegayay in ciidamo boolis ah ay galeen xarumaha Shirkadda Hormuud ee Muqdisho, isla markaana ay halkaas ka wadeen baaritaanno

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
October 19, 2026, 1:21 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Booliiska Banaadir oo Beeniyay Wararka Sheegaya in Ciidamo Galeen xarumaha  Hormuud
Share

Wararka24: Taliska Booliiska Gobolka Banaadir ayaa beeniyay warar lagu faafiyay baraha bulshada oo sheegayay in ciidamo boolis ah ay galeen xarumaha Shirkadda Hormuud ee Muqdisho, isla markaana ay halkaas ka wadeen baaritaanno.

War-saxaafadeed uu talisku soo saaray 18-kii Oktoobar 2026 ayuu ku sheegay in wararkaasi yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn. Booliisku wuxuu sidaas ku diiday sheegashooyinka ku saabsan gelitaanka xarumaha shirkadda iyo baaritaanno la sheegay in halkaas laga sameeyay.

Taliska Booliiska Gobolka Banaadir ayaa warbaahinta iyo dadka isticmaala baraha bulshada ugu baaqay inay hubiyaan saxnaanta xogta ka hor inta aysan baahin. Wuxuu sidoo kale ka digay faafinta wararka aan la xaqiijin, gaar ahaan kuwa abuuri kara jahawareer ama marin-habaabin bulshada dhexdeeda ah.

Bayaanka booliska ayaa lagu sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadi karo cid kasta oo si ula kac ah u abuurta ama u faafisa warar been abuur ah, iyadoo la raacayo shuruucda dalka.

Taliska ayaa bulshada kula dardaarmay inay xogaha la xiriira arrimaha amniga ka raadsadaan ilo rasmi ah, isla markaana aysan ku degdegin faafinta wararka lagu baahiyo baraha bulshada iyada oo aan la xaqiijin.

Wararka ku saabsan in ciidamada boolisku galeen xarumaha Hormuud ayaa ka soo baxay baraha bulshada, balse talisku wuxuu sheegay in sheegashadaasi aysan waxba ka jirin. Ilaa hadda, shirkadda Hormuud kama aysan soo saarin wax war ah oo ku saabsan arrintan.


Share
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.