Wararka24: Itoobiya ayaa Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ku eedaysay inuu taageeray tallaabooyin ay Addis Ababa u aragto kuwo ka hor imanaya danaheeda istiraatiijiga ah, kaddib markii uu 4-tii October magaalada New Alamein ee Masar kaga qeyb galay shir afar geesood ah oo ay yeesheen Soomaaliya, Masar, Eritrea iyo Suudaan.
Wakaaladda Wararka Itoobiya (ENA) ayaa maqaal ay daabacday ku dhaliishay ka qeybgalka Xasan Sheekh iyo taageerada uu u muujiyey bayaanka wadajirka ah ee kasoo baxay shirka. ENA ayaa ku doodday in mowqifkaasi uu saameyn ku yeelan karo danaha Itoobiya ee ku saabsan Wabiga Niilka iyo arrimaha amniga Badda Cas.
Bayaanka Alamein ayaa xusay in dalalka gobolka ay ixtiraamaan madaxbannaanida iyo dhuleednimada dalalka, ayna khilaafaadka ku xalliyaan waddooyin nabadeed. Waxa kale oo uu adkeeyay muhiimadda amniga Badda Cas, xorriyadda maraakiibta ganacsiga iyo iskaashiga dalalka ku yaalla gobolka.
Dhanka biyaha Niilka, bayaanka ayaa ku baaqay in la dhowro mabaadi’da sharciga caalamiga ah, oo ay ku jiraan in aan dal kale loo geysan waxyeello iyo in tallaabooyinka saameyn kara biyaha dalalka kale lagu saleeyo ogeysiin, wada-tashi iyo is-afgarad. Arrintan ayaa si gaar ah muhiim ugu ah khilaafka muddada dheer u dhexeeya Itoobiya, Masar iyo Suudaan ee ku saabsan Biyo-xireenka Weyn ee Itoobiya.
ENA ayaa sheegtay in taageerada Madaxweyne Xasan Sheekh ay muujinayso inuu Muqdisho ku biiray mowqif ay Addis Ababa u aragto in lagu xaddidayo doorkeeda gobolka. Wakaaladdu waxay sidoo kale dhaliishay ka qeybgalka Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki, iyadoo ku doodday in mowqifka Asmara uu la jaanqaadayo danaha Masar ee muranka biyaha Niilka.
Dhanka kale, bayaanka rasmiga ah ee shirka ayaa sheegay in afarta dal ay doonayaan inay xoojiyaan iskaashiga siyaasadeed, ganacsi iyo dhaqaale, isla markaana ay kordhiyaan wada-tashiga ku saabsan caqabadaha amni ee Geeska Afrika iyo Badda Cas. Afarta hoggaamiye waxay sidoo kale ku nuuxnuuxsadeen ixtiraamka madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalalka gobolka.
Itoobiya ayaa muddooyinkii dambe si joogto ah u muujisay muhiimadda ay u leedahay helitaanka marin-badeed, iyadoo dowladda Addis Ababa ay sheegtay in arrintaasi ay muhiim u tahay dhaqaalaha iyo mustaqbalka dalka. Madaxweynaha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa mar kale dhawaan ku celiyay in dalkiisu doonayo marin-badeed lagu helo wada-hadal iyo heshiis labada dhinac dan u ah.
Xiisadda ayaa kusoo beegmaysa xilli xiriirka Itoobiya iyo Eritrea uu aad u xumaaday, kadib markii Addis Ababa ay xirtay safaaraddeeda Asmara, halka Eritrea ay markii dambe jartay xiriirkii diblomaasiyadeed ee ay la lahayd Itoobiya. Dhinacyada gobolka ayaa sidoo kale wajahaya dagaallo cusub oo ka socda Tigray iyo muranno la xiriira amniga Badda Cas iyo biyaha Niilka.









