Wararka24: Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa beenisay wararka sheegaya in Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee Muqdisho la xirayo maalmaha soo socda, iyadoo sheegtay in dhammaan howlaha garoonka ay si caadi ah u socdaan.
Bayaan ay Hay’addu soo saartay Isniintii, 5-ta Oktoobar, ayay ku caddeysay in wax isbeddel ah uusan ku imaan howlaha garoonka, isla markaana duulimaadyada jadwalkooda ku jira ay u socdaan sidii loogu talagalay. Hay’addu waxay sheegtay in wararka ku saabsan xiritaanka garoonka aysan ka imaan ilo rasmi ah.
Hay’adda ayaa shacabka iyo rakaabka ugu baaqday inay xogta ku saabsan duulimaadyada iyo adeegyada garoomada dalka ka helaan kanaallada rasmiga ah ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed. Waxay sidoo kale ku boorrisay bulshada inay ka fogaadaan wararka aan la xaqiijin, kuwaas oo keeni kara jahawareer ku saabsan safarrada.
Wararka xiritaanka garoonka ayaa kusoo baxay xilli Muqdisho laga hadal hayo imaatinka madax iyo wafdiyo ka socda qaar ka mid ah dalalka ciidamadoodu ka qeybqaataan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, AUSSOM. Dalalkaas ayaa loo yaqaan Troop Contributing Countries (TCC), kuwaas oo ciidamo ku biiriya howlgalka.
Wararka la faafiyay ayaa sidoo kale sheegayay in imaanshaha wafdiyadaasi uu sababi karo hakad ku yimaada duulimaadyada iyo dhaq-dhaqaaqa waddooyinka qaarkood ee Muqdisho. Hase yeeshee, Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxay sheegtay inaan wax qorshe ah oo xiritaan ah lagu dhawaaqin, isla markaana jadwalka duulimaadyadu aanu wax isbeddel ah ku imaan.
Garoonka Aadan Cadde ayaa ah xarunta ugu weyn ee duulimaadyada caalamiga ah ee Muqdisho, waxaana Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ay si rasmi ah u maamushaa hawada iyo adeegyada duulista rayidka ee dalka. Xogta rasmiga ah ee Hay’adda ayaa sidoo kale muujinaysa in garoonku yahay qayb muhiim ah oo ka tirsan nidaamka duulista Soomaaliya.
Ilaa hadda, ma jiro ogeysiis rasmi ah oo sheegaya in la joojinayo duulimaadyada ama la xirayo garoonka maalmaha soo socda. Hay’addu waxay dadka ugu baaqday inay ku tiirsanaadaan ogeysiisyada rasmiga ah marka ay qorsheynayaan safarradooda










