Wararka24: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay fadhiga guud ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, isagoo diiradda saaray xaaladda Soomaaliya, caqabadaha haysta nidaamka caalamiga ah iyo baahida loo qabo dib-u-habeyn lagu sameeyo hay’adaha Qaramada Midoobay. Khudbaddiisa ayaa timid xilli Soomaaliya ay xubin aan joogto ahayn ka tahay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Caqabadaha ay Qaramada Midoobay wajahayaan
Xasan Sheekh ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay wajahayaan caqabado waaweyn, isagoo xusay in dagaallo, khilaafaadyo juqraafi-siyaasadeed, hoos u dhaca kalsoonida iyo daciifnimada iskaashiga caalamiga ah ay saameyn ku yeesheen nidaamka caalamiga ah. Wuxuu sidoo kale tilmaamay in ixtiraamka shuruucda caalamiga ah uu noqday arrin mararka qaar si kala duwan loo fuliyo.
Madaxweynaha ayaa si gaar ah u dhaliilay qaabka Afrika loogu matalo Golaha Ammaanka, isagoo ku baaqay in golaha laga dhigo mid matalaad ahaan ka ballaaran oo ka tarjumaya xaqiiqada dunida maanta. Wuxuu sheegay in dib-u-habeynta Qaramada Midoobay aysan ahayn weerar lagu qaadayo hay’adda, balse ay tahay tallaabo lagu ilaalinayo sharciyaddeeda laguna soo celinayo kalsoonida dalalka xubnaha ka ah.
Mowqifka Madax-banaanida iyo midnimada Soomaaliya
Dhanka Soomaaliya, Xasan Sheekh wuxuu mar kale adkeeyay mowqifka dowladda ee ku saabsan madax-bannaanida, midnimada iyo xuduudaha caalamiga ah ee dalka.
Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay kasoo horjeeddo tallaabooyin wax u dhimaya arrimahaas, xilli ay Somaliland waddo dadaallo diblomaasiyadeed oo ku aaddan helitaanka aqoonsi caalami ah.
Xassan Sheik oo taageeray xuquuqda shacabka Falastiin
Madaxweynaha ayaa sidoo kale khudbaddiisa ku taageeray xuquuqda shacabka Falastiin, isagoo sheegay in Soomaaliya ay garab taagan tahay xaqa ay u leeyihiin aayo-ka-tashi iyo dowladnimo. Wuxuu taageeray xalka laba dowladood, iyadoo Falastiin loo sameeyo dowlad ku salaysan xuduudihii ka horreeyay 1967.
Xiriirka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay
Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ka hadlay xiriirka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, gaar ahaan habka loo maamulo mashaariicda iyo gargaarka. Wuxuu sheegay in mashaariicda Qaramada Midoobay ay noqon karaan kuwo waxtar badan haddii ay si dhow ula jaanqaadaan qorshayaasha qaranka, miisaaniyadda iyo mudnaanta dowladda Soomaaliya.
koboca dhaqaalaha Soomaaliya iyo hannaanka doorashooyinka
Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladdiisu waddo qorshayaal ku saabsan dib-u-habeynta dhaqaalaha, kordhinta dakhliga gudaha iyo xoojinta hay’adaha dowladda. Wuxuu sidoo kale soo hadal qaaday hannaanka doorashooyinka, isagoo sheegay in bulshada rayidka, dowlad-goboleedyada, haweenka, dhalinyarada iyo qurbo-joogta lagu daray geeddi-socodka siyaasadeed.
Dhinaca dhaqaalaha, Xasan Sheekh wuxuu sheegay in koboca Soomaaliya sanadkan lagu qiyaasay 3.1 boqolkiiba, balse uu dalka wajahayo saameynta xaaladaha caalamka. Wuxuu sheegay in carqaladaha ka jira marin-biyoodka Hormuz ay sare u qaadeen qiimaha shidaalka, cuntada iyo badeecadaha Soomaaliya uga yimaada dibadda.
Dhibaatooyinka ka dhashay xaaladda cimilada
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in dhibaatooyinka ka dhashay xaaladda cimilada ay saameynayaan in ka badan lix milyan oo qof oo Soomaaliya ku nool, halka carqaladaha ganacsiga iyo tamarta ay saameeyeen dakhliga kastamka dalka.
Khudbaddiisa guud ahaan waxay diiradda saartay xaaladda Soomaaliya, horumarka dowladda sheegtay inay gaartay iyo caqabadaha gudaha iyo kuwa caalamiga ah ee weli horyaalla dalka.







