Wararka24: Ugu yaraan 11 qof, oo ay ku jirto haweeney uur leh, ayaa lagu dilay weerar ay kooxo hubeysan ka geysteen xaafadda KwaMakhutha ee magaalada Durban, Koonfur Afrika. Weerarka ayaa dhacay xilli dadku ay guri ku sugnaayeen, halkaas oo ay ka socotay xaflad.
Madaxa maamulka gobolka KwaZulu-Natal, Thamsanqa Ntuli, ayaa sheegay in laba qof ay ka badbaadeen weerarka. Wuxuu sheegay in aan weli si cad loo ogaan sababta keentay weerarka iyo cidda ka dambeysay, isagoo dhacdada ku tilmaamay mid bulshada ku abuurtay naxdin iyo murugo.
Warbaahinta gudaha ayaa sheegtay in kooxaha hubeysan ay dadka ku sugnaa guriga isugu geeyeen hal qol, ka hor inta aysan rasaas ku furin. Sida wararku sheegayaan, kooxdu waxay sidoo kale dab qabadsiiyeen gaari uu lahaa mid ka mid ah dadkii la dilay.
Booliska Koonfur Afrika ayaa sheegay in baaritaannada hordhaca ah ay muujinayaan in qaar ka mid ah dadka la dilay ay hore ugu jireen diiwaannada dembiyada ee hay’adaha ammaanka. Boolisku ma aysan shaacin in arrintaasi ay xiriir toos ah la leedahay weerarka, waxaana socda baaritaan lagu ogaanayo sababta iyo cidda fulisay.
Dembiilayaasha ayaa la sheegay inay goobta isaga baxsadeen kaddib weerarka. Booliska ayaa sheegay inay wadaan howlgallo lagu baadi-goobayo dadka looga shakisan yahay inay ka dambeeyeen dilka, iyadoo aan weli la shaacin cid si rasmi ah loo qabtay.
Weerarkan ayaa mar kale soo bandhigay walaaca laga qabo heerka dambiyada hubeysan ee Koonfur Afrika. Dalka ayaa muddo dheer la tacaalayay dilal iyo rabshado hubeysan, kuwaas oo saameeya bulshada qaybo badan oo dalka ah.
Tirakoobka rasmiga ah ee dambiyada Koonfur Afrika ayaa muujinaya in dalka ay sannad kasta ka dhacaan tobanaan kun oo dil, iyadoo kooxaha burcadda hubeysan iyo dambiyada abaabulan ay ka mid yihiin arrimaha amni ee ugu waaweyn ee dowladda horyaalla.
Dadka rayidka ah, oo ay ku jiraan ajaanibta ku nool dalka, ayaa sidoo kale mararka qaar la kulma weerarro iyo dhacdooyin amni. Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool Koonfur Afrika ayaa horey uga mid noqday bulshada ajaanibta ah ee wajahda khataraha la xiriira dambiyada iyo rabshadaha hubeysan.

















