Wararka24: Golaha Wakiillada Somaliland ayaa la horkeenay qaraar looga hadlayo kiiska Cabdinaasir Muuse Cabdiraxmaan Dahable, oo ka tirsanaa Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya, kaas oo meydkiisa laga helay gurigii uu ka deggenaa magaalada Muqdisho bishii Febraayo 2024.
Cabdinaasir Dahable oo 32 jir ahaa kana soo jeeday magaalada Gebiley ayaa ka tirsanaa shaqaalaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya. Booliska Soomaaliya ayaa xilligaas sheegay in meydkiisa laga helay degmada Wadajir, isla markaana ay xireen lix qof oo looga shakiyay kiiska, iyadoo baaritaan lagu waday dhacdada.
Qaraarka ayaa Golaha waxaa ka hor akhriyey Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada, Cali Xaamud Jibriil, kaas oo sheegay in Golaha uu waajib dastuuri ah u arko ilaalinta muwaadiniinta Somaliland.
Qoraalka qaraarka ayaa sheegay in Golaha uu walaac ka qabo dilka Dahable, isla markaana uu aaminsan yahay in marxuumka loo beegsaday sababo la xiriira inuu kasoo jeeday Somaliland. Golaha ayaa sidoo kale eedeymo u jeediyay dowladda Soomaaliya iyo qaar ka mid ah mas’uuliyiinteeda, balse eedeymahaas ma haystaan xaqiijin madax-bannaan oo muujinaysa cidda dhab ahaan ka dambeysay dilka.
Qaraarka ayaa ku baaqaya in la sameeyo baaritaan madax-bannaan oo lagu xaqiijiyo cidda ka dambeysay geerida Dahable, iyadoo dadka lagu helo wax lug ah loogu yeerayo in sharciga la horkeeno. Golaha ayaa sidoo kale sheegay in hay’adaha xuquuqda aadanaha Somaliland ay qaadi karaan tallaabooyin sharci ah, oo ay ku jirto in kiiska loo gudbiyo maxkamado caalami ah.
Qoyska Dahable ayaa xilligii dilka ku eedeeyay hay’adda NISA inay ku lug lahayd geerida, iyagoo sheegay in marxuumku uu ka cabsi qabay hanjabaado la xiriiray shaqadiisa. Dowladda Soomaaliya dhankeeda waxay sheegtay in baaritaan lagu sameynayo kiiska, iyadoo lix qof loo xiray tuhunnada la xiriira dilka.
Meydka Dahable ayaa markii dambe loo qaaday magaalada Hargeysa, waxaana lagu aasay Gebiley. Geeridiisa ayaa dhacday xilli uu jiray khilaaf u dhexeeyay Soomaaliya iyo Somaliland oo la xiriiray maamulka hawada, taasoo sii kordhisay su’aalaha ku saabsan duruufihii ku xeernaa kiiska.
Golaha Wakiillada ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay taageerto dadaallada lagu heli karo baaritaan madax-bannaan iyo cadaalad ku saabsan kiiska. Qaraarka ayaa weli ku jira marxaladda ansixinta Golaha, sida lagu sheegay qoraalka la horkeenay.







