WARARKA24: Dowladda Itoobiya ayaa si weyn u ballaarisay awooddeeda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, iyadoo dalka gudihiisa ka hirgelisay ugu yaraan laba xarumood oo lagu farsameeyo drones-ka, xilli ciidamada federaalka ay sii kordhinayaan adeegsiga diyaaradahaas ee dagaallada ka socda gobollo kala duwan.
Horumarkan ayaa siinaya dowladda Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed awood dheeraad ah oo ay kula tacaasho kooxaha hubeysan ee ka dagaallama Amxaarada, Oromada iyo Tigray. Itoobiya ayaa si gaar ah u ogaatay muhiimadda drones-ka intii uu socday dagaalkii Tigray ee u dhexeeyay 2020 iyo 2022, markaas oo diyaaradaha Turkiga ay door ka qaateen hawlgallada ciidamada federaalka.
Tan iyo dhammaadkii dagaalkaas, Addis Ababa ayaa kordhisay iibsiga iyo horumarinta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. Bishii Maarso 2025, Abiy Ahmed ayaa xarigga ka jaray warshadda SkyWin Aeronautics Industries ee Addis Ababa, iyadoo dowladda ay sheegtay in xaruntu soo saarto drones loogu talagalay isticmaalka rayidka iyo militariga.
Si kastaba, khubarada ayaa sheegay in aan si buuxda loo ogeyn heerka ay gaarsiisan tahay awoodda gudaha ee Itoobiya. Pieter Wezeman oo ka tirsan Machadka Caalamiga ah ee Cilmi-baarista Nabadda ee Stockholm (SIPRI) ayaa sheegay in bandhigga diyaaradaha gudaha lagu sameeyay uusan kaligiis caddeyn u noqon karin heerka wax-soo-saarka iyo isku-filnaanshaha teknoolajiyadda dalka.
Itoobiya ayaa sidoo kale hore uga soo iibsatay Turkiga diyaaradaha Akinci iyo Bayraktar TB2, halka ay adeegsanayso Wing Loong oo Shiinaha laga leeyahay iyo Mohajer-6 oo Iran soo saarto. Khubaradu waxay aaminsan yihiin in qaybo muhiim ah oo ka mid ah drones-ka gudaha lagu farsameeyo ay weli dibadda ka yimaadaan.
Warshad kale oo lagu magacaabo Aeroabay ayaa la sheegay in la furay dabayaaqadii 2025, iyadoo soo saarta drones yaryar oo hubeysan. Khabiir Wim Zwijnenburg ayaa sheegay in qaar ka mid ah diyaaradahaas ay yihiin nooca FPV, kuwaas oo duuliyaha u oggolaanaya inuu si toos ah u arko goobta ay ku socdaan, isla markaana qaarkood lagu rakibi karo waxyaabaha qarxa.
Ballaarinta awoodda drones-ka ayaa ku soo beegmaysa iyadoo ciidamada federaalka Itoobiya ay dagaallo kula jiraan kooxo hubeysan oo ka hawlgala qaybo kala duwan oo dalka ah. Hay’adda ACLED ayaa sheegtay in ciidamada Itoobiya ay tan iyo Abriil 2023 ka fuliyeen gobolka Amxaarada 102 weerar oo drone ah, kaddib markii uu halkaas ka billowday kacdoonka maleeshiyada Fano.
Drones-ka ayaa sidoo kale loo adeegsaday colaadaha ka socda Oromada, halka Tigray ay mar kale ka jirto xiisad sii xoogeysanaysa. ACLED ayaa diiwaangelisay ugu yaraan 14 weerar oo drone ah oo sanadkan ka dhacay Tigray, toddobo ka mid ahna ay dhaceen bishii Agoosto, xilli ay isa soo tarayeen walaacyada laga qabo inuu dib u qarxo dagaal ballaaran.
Khubarada ayaa sidoo kale ka digaya saameynta ay weerarrada drones-ku ku yeelan karaan dadka rayidka ah. Magnus Taylor oo ka tirsan International Crisis Group ayaa sheegay in diyaaradahaas dhowr jeer lagu eedeeyay inay sababeen dhimashada rayid, halka khubaro kale ay tilmaameen in ciidamada Itoobiya ay Tigray uga adeegsanayaan diyaarado waaweyn oo meel fog laga hago.







