Wararka24: Dowladda Kenya ayaa sheegtay in aan la soo saarin amar guud oo ajaanibta dalka ku sugan looga saarayo Kenya, iyadoo caddeysay in tallaabooyinka la qaadayo ay ku wajahan yihiin ganacsiyada yaryar iyo dadka aan haysan rukhsadaha looga baahan yahay.
Wasiirka Maalgashiga, Ganacsiga iyo Warshadaha Kenya, Lee Kinyanjui, ayaa sheegay in hadalladii Madaxweyne William Ruto ee ku saabsanaa ajaanibta ka shaqeysa ganacsiyada yaryar si kala duwan loo fasiray, taasoo keentay walaac ka dhex dhashay qaar ka mid ah ajaanibta iyo maalgashadayaasha.
Kinyanjui ayaa sheegay in Kenya ay weli u furan tahay Afrikaanka iyo maalgashadayaasha doonaya inay dalka ka sameeyaan ganacsi sharci ah. Wuxuu sidoo kale ka digay in muwaadiniintu ay sharciga gacantooda ku qaataan, isagoo sheegay in dowladda oo keliya ay mas’uul ka tahay fulinta sharciga.
Madaxweyne Ruto ayaa 2-dii Sebtembar sheegay in dowladda ay tallaabo ka qaadi doonto ajaanibta ku hawlan ganacsiyada yaryar iyo ku iibinta waddooyinka, isagoo ku dooday in ganacsatada Kenyaanka ah laga ilaaliyo tartan aan sinnayn.
Dowladda ayaa hadda xoogga saaraysa hubinta in ajaanibta shaqeysa ama ganacsi ka sameysa Kenya ay haystaan rukhsadaha shaqada iyo ganacsiga ee looga baahan yahay. Kinyanjui ayaa sidoo kale caddeeyay in gelitaanka Kenya iyadoo fiiso laga dhaafay aysan si toos ah qofka ugu ogolaneynin in uu kaga shaqeeyo ama ganacsi uga sameeyo dalka.
Dhanka kale, boqolaal muwaadiniin Burundi ah ayaa tegay safaaradda dalkooda ee Nairobi, iyadoo ay raadinayeen dukumentiyo safar. Safaaradda ayaa sheegtay in adeegyada dukumentiyada safarka ay yihiin adeegyo qunsuliyadeed oo caadi ah.
Dowladda Kenya ayaa sidoo kale sheegtay in muwaadiniinta ree Burundi iyo dalalka kale ee Bariga Afrika aan si gaar ah loo bartilmaameedsanayn, iyadoo la tixgelinayo waajibaadka Kenya ka saaran isdhexgalka Bulshada Bariga Afrika.
Xukuumadda ayaa ku celisay in tallaabooyinka la qaadayo ay ujeeddadoodu tahay ilaalinta shuruucda shaqada, socdaalka iyo ganacsiga, iyadoo sidoo kale ka digtay falalka nacaybka iyo weerarrada loo geysto ajaanibta.







