Wararka24: Soomaaliya ayaa xoojisay tallaabooyinka baaritaanka caafimaad ee dadka ka imaanaya dalalka Afrika, kaddib markii Kenya ay xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay ee dalkaas laga diiwaangeliyo cudurka Ebola ee nooca Bundibugyo.
Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa sheegay in kooxo caafimaad la geeyay garoomada diyaaradaha si ay ula socdaan rakaabka ka imaanaya dalalka Afrika. Tallaabadan ayaa qayb ka ah diyaar-garowga iyo dadaallada lagu doonayo in si hore loo ogaado dadka laga yaabo inay qabaan cudurka.
Wasiirka ayaa sheegay in Soomaaliya ay si gaar ah u xoojisay diyaar-garowgeeda kaddib markii cudurka laga xaqiijiyay Kenya, oo Soomaaliya ay xuduud la wadaagto. Sida uu sheegay, kooxaha caafimaadka ayaa la socda duulimaadyada ka imaanaya dalalka Afrika, si loo ogaado calaamadaha laga yaabo inay la xiriiraan cudurka.
Wasaaradda Caafimaadka ayaa sidoo kale dadka ugu baaqday inay si joogto ah u dhaqaan gacmaha, isla markaana ka fogaadaan taabashada dhiigga iyo dheecaannada jirka ee qof qaba ama looga shakisan yahay cudurka. Dadka qaba xanuun daran, gaar ahaan kuwa dhawaan ka yimid meel uu cudurku ka jiro, ayaa lagu boorriyay inay si degdeg ah u raadsadaan daryeel caafimaad.
Cudurka Ebola waxaa lagu arki karaa calaamado ay ka mid yihiin qandho, daal daran, murqo xanuun, madax-xanuun, matag iyo shuban. Cudurka waxaa lagu kala qaadi karaa taabashada dhiigga ama dheecaannada jirka ee qof qaba, taas oo ka dhigaysa ogaanshaha hore iyo ka hortagga faafitaanka tallaabooyin muhiim ah.
Kenya ayaa 6-dii October xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay ee cudurka Bundibugyo, kadib markii nin Kenyan ah oo muddo ku noolaa Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo uu ku geeriyooday Nairobi. WHO waxay sheegtay in bukaanku uu 3-dii October Nairobi ku yimid diyaarad isagoo kasoo safray Kampala, Uganda, halkaas oo uu dhulka ku gaaray isagoo kasoo gudbay Beni ee bariga Congo.
WHO ayaa sheegtay in Kenya ay ilaa 6-dii October baaritaan caafimaad ku sameysay in ka badan 652,000 qof oo dalka soo galay, halka 267 muunadood oo looga shakiyay cudurka la baaray. Hay’addu waxay sidoo kale sheegtay in ku dhowaad 5,000 shaqaale caafimaad ah loo tababaray ka hortagga iyo maaraynta Ebola.
Kiiska Kenya ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo faafitaanka cudurka ee dalalka Bariga Afrika, iyadoo WHO ay ku baaqday in la xoojiyo kormeerka xuduudaha iyo goobaha laga soo galo dalalka gobolka. Soomaaliya ayaa tallaabooyinkeeda cusub ku sheegtay qayb ka mid ah diyaar-garowga iyo ogaanshaha hore ee cudurrada faafa.

