Wararka24: Shirkadda Apple ayaa soo bandhigtay iPhone-keedii ugu horreeyay ee ee laabmi kara, kaas oo loogu magac daray iPhone Duo, iyadoo shirkaddu sheegtay in qalabkan uu yahay mid ka mid ah isbeddellada ugu waaweyn ee lagu sameeyo iPhone-ka tan iyo markii la soo saaray sanadkii 2007.

iPhone Duo ayaa leh naqshad u eg buug, waxaana marka la furo uu yeelanayaa shaashad weyn oo u dhow muuqaalka iPad yar. Marka la laabana wuxuu isu beddelayaa taleefoon casri ah oo ballaaran, taas oo Apple sheegtay inay ka duwan tahay naqshadaha qaar ee taleefoonnada laabmi kara ee hadda suuqa yaalla.
Qiimaha iPhone Duo ee Mareykanka ayaa ka bilaabanaya 1,999 doollar, halka noocyada qaarkood ay gaari karaan ilaa 3,200 doollar. Dalka UK, qiimihiisa ayaa la sheegay inuu ka bilaabanayo 1,999 giniga Ingiriiska, taas oo ka dhigaysa mid ka mid ah iPhone-yadii ugu qaalisanaa ee shirkaddu soo bandhigto.
John Ternus, oo dhowaan loo magacaabay madaxa fulinta Apple kadib markii Tim Cook xilka ka degay, ayaa sheegay in fikradda naqshadda cusub laga soo qaatay khibradda shirkadda ee iPad-ka. Wuxuu sheegay in Apple ay doonaysay inay sameyso qalab si fudud loo laabi karo, balse marka la furo bixiya shaashad ballaaran.
Ternus ayaa sheegay in Apple aysan doonayn in iPhone Duo uu noqdo laba taleefoon oo si fudud la isugu xiray, balse ay shirkaddu diiradda saartay isku-darka naqshad, software iyo qalab si loo helo khibrad ka duwan taleefoonnada kale ee laabmi kara.
Falanqeeyayaal dhanka tiknoolajiyadda ah ayaa qaba in iPhone-ka cusub uu Apple siin karo fursad ay ku muujiso hal-abuurnimo cusub, gaar ahaan iyadoo shirkadda lagu dhaliilayay sannadihii u dambeeyay in isbeddellada naqshadda iPhone-ku aysan ahayn kuwo waaweyn.
Si kastaba, qiimaha sare ayaa noqon kara caqabad ku wajahan iibkiisa. Falanqeeyayaasha ayaa sidoo kale xusay in dadka qaar ay u baahan karaan waqti ay kula qabsadaan habka cusub ee isticmaalka taleefoon laabmi kara, halka suuqa taleefoonnada noocan ah uu weli yahay qayb yar oo ka mid ah guud ahaan taleefoonnada casriga ah.
iPhone 18 Pro iyo iPhone 18 Pro Max
Apple ayaa sidoo kale soo bandhigtay iPhone 18 Pro iyo iPhone 18 Pro Max, iyadoo qiimahisa Mareykanka ay ka bilaabanayaan 1,199 iyo 1,299 doollar. Shirkaddu waxay kale oo ay shaacisay horumarro cusub oo ku saabsan Siri AI, oo loogu talagalay inay si qoto dheer uga shaqeyso xogta ku jirta taleefoonka.
Apple waxay sheegtay in Siri AI ay awood u yeelan doonto inay fahanto xogta sida fariimaha iyo emayllada, iyadoo ka caawinaysa isticmaalaha inuu helo macluumaad iyo inuu qabto hawlo kala duwan. Shirkaddu waxay carrabka ku adkaysay in xogta gaarka ah la ilaalin doono, iyadoo hawlo badan lagu farsameyn doono gudaha Ai-da.







