Wararka24: Warbaahinta ku hadasha afka dowladda Soomaaliya ayaa soo bandhigtay xog ay ku sheegtay inay la xiriirto dagaalkii Isniintii ka dhacay magaalada Baydhaba ee Koonfur Galbeed Soomaaliya. Warbixinta ayaa sidoo kale soo bandhitay in xubno ka tirsan Al-Shabaab ay qayb ka ahaayeen weerarkii lagu qaaday magaalada.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in ciidamada dowladda ay goobihii dagaalka ka heleen gaadiid iyo agab ay dowladdu ku tilmaantay inay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab. Sawirro laga qaaday goobihii lagu dagaallamay ayaa sidoo kale lagu baahiyay warbaahinta dowladda.

Sida lagu sheegay warbixinta, ilaa saddex gaari oo ay dowladda ku sheegtay inay wateen xubno ismiidaamiya ayaa la adeegsaday intii uu socday weerarka. Dowladda ayaa sheegtay in goobaha ay qaraxyadu ka dhaceen laga helay haraadiga qaraxyada, balse faahfaahintaas si madax-bannaan looma xaqiijin.
Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in weerarka loo adeegsaday gaadiid lagu xoojiyay biraha ka difaaca rasaasta. Qaar ka mid ah gaadiidkaas ayaa la sheegay in ciidamada ay gacanta ku dhigeen kaddib dagaalka.
Dowladda ayaa intaas ku dartay in qaar ka mid ah gaadiidkii la qabtay laga helay calamo iyo walxo ay ku tilmaantay inay yihiin agab ay adeegsadaan Al-Shabaab. Hase yeeshee, sheegashooyinka ku saabsan agabka iyo cidda gaadiidka lahayd weli ma aysan helin xaqiijin madax-bannaan.
Sidoo kale, warbixinta ayaa lagu sheegay in miinooyin lagu aasay qaar ka mid ah waddooyinka ay ciidamada weerarka qaaday uga soo gudbeen dhanka magaalada. Ciidamada ammaanka ayaa la sheegay inay ogaadeen miinooyinka, isla markaana ay ka saareen waddooyinka iyaga oo aan qarxin.
Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono dadka ay ku eedeysay inay qayb ka ahaayeen weerarka iyo xubnaha Al-Shabaab ee lagu qabtay dagaalka. Waxaa sidoo kale la sheegay in tiro maxaabiis ah lagu qabtay howlgaladii ka dambeeyay iska-horimaadka.
Dagaalka Baydhaba ayaa kusoo beegmaya xilli magaalada ay ka taagan tahay xiisad siyaasadeed iyo amni, iyadoo ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Koonfur Galbeed ay weli wadaan howlgallo lagu xaqiijinayo ammaanka. Sheegashooyinka ku saabsan doorka Al-Shabaab iyo khasaaraha ka dhashay dagaalka ayaa weli u baahan xaqiijin madax-bannaan.



















