Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Soomaaliya oo daah-furtay barnaamij goboleed lagu xoojinayo amniga xuduudaha

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u daah-furtay Barnaamijka Goboleedka La-dagaallanka Tahriibinta (RCSP), oo ah qorshe soconaya muddo saddex sano ah, kaas oo lagu xoojinayo amniga xuduudaha, awoodda hay’adaha dowladda iyo iskaashiga gobolka ee la-dagaallanka tahriibinta dadka…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
July 24, 2026, 9:40 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Soomaaliya oo daah-furtay barnaamij goboleed lagu xoojinayo amniga xuduudaha
Share

Wararka24: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u daah-furtay Barnaamijka Goboleedka La-dagaallanka Tahriibinta (RCSP), oo ah qorshe soconaya muddo saddex sano ah, kaas oo lagu xoojinayo amniga xuduudaha, awoodda hay’adaha dowladda iyo iskaashiga gobolka ee la-dagaallanka tahriibinta dadka iyo dambiyada abaabulan ee ka gudba xuduudaha.‎‎

Barnaamijka waxaa daah-furay Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), oo sheegay in sugidda amniga xuduudaha ay tahay mudnaan qaran, isla markaana laf-dhabar u tahay ilaalinta amniga gudaha, fududeynta isu-socodka sharciga ah iyo la-dagaallanka dambiyada caalamiga ah.‎‎

Mashruuca waxaa hormuud u ah Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, iyadoo taageero ka helaysa Dowladda Boqortooyada Midowday (UK), halka Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM) ay fulinayso. Barnaamijkan ayaa Soomaaliya uga mid noqonaya dadaal goboleed ay si wadajir ah u fulinayaan Itoobiya, Kenya iyo Uganda.‎‎

Munaasabadda daah-furka waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya, hay’adaha amniga, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, wakiillo ka socday Dowladda UK, Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM) iyo bahwadaag kale oo taageera maamulka xuduudaha iyo xoojinta amniga.‎‎

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Xuseen Qaasim Yuusuf, ayaa sheegay in barnaamijku uu wax ka qaban doono caqabadaha la xiriira tahriibinta dadka, socdaalka sharci-darrada ah, dukumentiyada safarka ee been-abuurka ah iyo dambiyada abaabulan ee ka gudba xuduudaha.

Wuxuu intaas ku daray in qorshuhu diiradda saarayo horumarinta kaabayaasha maamulka xuduudaha, tababarka saraakiisha safka hore, xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha iyo hirgelinta nidaamyo casri ah oo waafaqsan xuquuqda aadanaha iyo heerarka caalamiga ah.‎‎

Wasiirka Amniga Gudaha ayaa xusay in iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Dowladda UK iyo IOM uu door muhiim ah ka qaadan doono dhismaha hay’ado amni oo casri ah, kuwaas oo awood u leh inay si hufan uga jawaabaan khataraha amni ee ka gudba xuduudaha.


Share
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.