• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Soomaaliya oo daah-furtay barnaamij goboleed lagu xoojinayo amniga xuduudaha

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
2 months ago
Reading Time: 3 mins read
Soomaaliya oo daah-furtay barnaamij goboleed lagu xoojinayo amniga xuduudaha
Share

Wararka24: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u daah-furtay Barnaamijka Goboleedka La-dagaallanka Tahriibinta (RCSP), oo ah qorshe soconaya muddo saddex sano ah, kaas oo lagu xoojinayo amniga xuduudaha, awoodda hay’adaha dowladda iyo iskaashiga gobolka ee la-dagaallanka tahriibinta dadka iyo dambiyada abaabulan ee ka gudba xuduudaha.‎‎

Barnaamijka waxaa daah-furay Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), oo sheegay in sugidda amniga xuduudaha ay tahay mudnaan qaran, isla markaana laf-dhabar u tahay ilaalinta amniga gudaha, fududeynta isu-socodka sharciga ah iyo la-dagaallanka dambiyada caalamiga ah.‎‎

Mashruuca waxaa hormuud u ah Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, iyadoo taageero ka helaysa Dowladda Boqortooyada Midowday (UK), halka Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM) ay fulinayso. Barnaamijkan ayaa Soomaaliya uga mid noqonaya dadaal goboleed ay si wadajir ah u fulinayaan Itoobiya, Kenya iyo Uganda.‎‎

Munaasabadda daah-furka waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya, hay’adaha amniga, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, wakiillo ka socday Dowladda UK, Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM) iyo bahwadaag kale oo taageera maamulka xuduudaha iyo xoojinta amniga.‎‎

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Xuseen Qaasim Yuusuf, ayaa sheegay in barnaamijku uu wax ka qaban doono caqabadaha la xiriira tahriibinta dadka, socdaalka sharci-darrada ah, dukumentiyada safarka ee been-abuurka ah iyo dambiyada abaabulan ee ka gudba xuduudaha.

Wuxuu intaas ku daray in qorshuhu diiradda saarayo horumarinta kaabayaasha maamulka xuduudaha, tababarka saraakiisha safka hore, xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha iyo hirgelinta nidaamyo casri ah oo waafaqsan xuquuqda aadanaha iyo heerarka caalamiga ah.‎‎

Wasiirka Amniga Gudaha ayaa xusay in iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Dowladda UK iyo IOM uu door muhiim ah ka qaadan doono dhismaha hay’ado amni oo casri ah, kuwaas oo awood u leh inay si hufan uga jawaabaan khataraha amni ee ka gudba xuduudaha.


Share

Recommended

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

5 months ago
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

7 months ago
Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

6 months ago
Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

3 months ago
Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

8 months ago
Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

3 months ago
Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.