• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku hoyday Cadale, dardargelinta dagaalka Al-Shabaab + SAWIRO

Abdirahman Dahir by Abdirahman Dahir
2 years ago
Reading Time: 4 mins read
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku hoyday Cadale,
Share

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku hoyday Cadale,
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud Degmada Cadale Credit Universal tv

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo Khamiistii ku laabtay jiidaha hore ee deegaanada Hirshabelle, ayaa xalay ku hoyday Degmada Cadale ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Madaxweynaha ayaa degmadaasi u tegay dardargelinta hawlgalka ballaaran ee ka dhanka ah kooxaha argagixisada, gaar ahaan Al-Shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Cadale ka bilaabay kulamo uu la qaadanayo siyaasiyiinta, waxgaradka, odayaasha, culimada deegaanka, iyo saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo hoggaanka macawiisleyda.

Ilo wareedyo ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu amar ku bixiyay in nin walba oo masuul ah uu iska xaadiriyo goobta dagaalka, dibna aan loo soo guryo noqon karin, iyadoo aan maleeshiyada Al-Shabaab laga ciribtirin Gobolka Shabellaha Dhexe.

Ilo wareedyada ayaa intaasi ku daray in Madaxweynuhu uu masuuliyiinta ka dalbaday inay wax ka hoggaamiyaan hawlgalka lagu wiiqayo Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu beelaha deegaanka ku adkeynayo inaanan loo kala harin dagaalka dib-u-xoreynta, si loo soo gacan geliyo dhulka ka maqan gacanta qaranka.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa xalay Duubabka Dhaqanka iyo siyaasiyiintaba u bandhigay in laga faa’iideysto taageerada ay haatan dowladdu diyaarka ula tahay dadka deegaanka.

Madaxweynaha ayaa xubnaha uu la kulmayo u sheegay inay keliya ka doonayaan inay iska dulqaadaan cadowga ay Villa Somalia u aragto inay dalka ku soo duuleen.

Hawlgalka Shabellaha Dhexe iyo ujeedka Madaxweyne Xasan Sheekh

Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxaa ka socdo hawlgal gaar ah, kaas oo cir iyo dhulba lagu la dagaalamayo maleeshiyada Al-Shabaab. Hawlgalka gobolkan ayaa hadda laf dhabar u ah dagaalka ay dowladdu dooneyso inay kaga adkaato maleeshiyadaasi.

Hawlgal midkani barbar socda ayuu qorshuhu yahay in si dhakhsa ah looga bilaabo Gobolka Hiiraan, iyadoo markaasi dagaal buuxa la gelinayo maleeshiyada ku sugan deegaanada Hirshabelle.

Hawlgalkan ayaa qayb ka ah wejiga labaad ee hawlgalka dib-u-xoreynta dalka, kaas oo ujeedkiisu yahay in Al-Shabaab lagaga saaro deegaanada Hirshabelle, si la mid ahna looga kiciyo dhulka ay ka maamulaan Galmudug.

Mustaqbalka Al-Shabaab oo ku xiran Hirshabelle

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo halka ay ka istaagto xoreynta deegaanada Hirshabelle ayaa go’aamin doona mustaqbalka Al-Shabaab ee dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sida hadda muuqata, waxa uu tuutaha militariga u xirtay, sidii uu u xoojin lahaa gulufka lagu soo afjarayo Al-Shabaabka Hirshabelle.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku hoyday Cadale,
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku hoyday Cadale,

📌 Wararka24 – Xog rasmi ah oo faahfaahin degdeg ah


Share

Recommended

DF oo ka oo fashilisay abaabul ay Al-Shabaab ka wadeen laba gobol

DF oo ka oo fashilisay abaabul ay Al-Shabaab ka wadeen laba gobol

7 months ago

Faransiiska iyo Talyaaniga oo xiriir diblomaasiyadeed la sameeyay Iiraan

7 months ago
Dowladda Federaalka Soomaaliya

DF Soomaaliya oo Waddada udhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye, Cidamo Badan Udirtay + Sababta

2 years ago
Xasan Sheekh

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la Kulmay Hoggaanka Xisbiyada Siyaasadda

1 year ago
DEGDEG: Amran Axmed Xasan Oo Loo Doortay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Ee Baarlamaanka Waqooyi-Bari

DEGDEG: Amran Axmed Xasan Oo Loo Doortay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Ee Baarlamaanka Waqooyi-Bari

1 year ago
Garaad Jaamac Garaad Cali

Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Suldaan Daa’uud Suldaan Cabdiqaadir oo Nabad isla qaatey iyago ka kala socda somaliland iyo khaatumo 

1 year ago
Gurmadka ciidamada

Gurmadka Ciidamada oo Ku Qulqulaya Dhinaca Furimaha Gobolka Hiiraan

2 years ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.