• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta Alcadaala “Xalka Al-Shabaab waa in la dilo”

Abdirahman Dahir by Abdirahman Dahir
2 years ago
Reading Time: 3 mins read
Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta
Share

Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta

Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Alcadaala), ayaa sheegay inaysan xal kale u haynin maleeshiyada Al-Shabaab, aan ka ahayn waddada ay iyagu doorteen ee ah in la dilo.

Wasiir Kuxigeenka ayaa xusay in dalku uu ka socdo hawlgal ka dhan ah maleeshiyadaasi, kaasoo sida uu sheegay dhul iyo cirba lagu la dagaalamayo Khawaarijta.

“Rajo wanaagsan ayaan ka qabnaa, annagoo Allah (SWT) kaashanayno in dalkan cadowgaasi diinta, dadka iyo dalkaba halista ku ah aan ka saarno,” ayuu yiri, isagoo xusay inay ku faraxsan yihiin sida uu hawlgalku u socdo.

“Illaa iyo hadda waxaan runtii ku faraxsanahay in hawlgaladaas aan fulinay, sidii loogu talagalay inay u dhaceen,” ayuu yiri Wasiir Alcadaala.

“Shabaab waa cadow, xalka waa in la dilo”

Isaga oo sii hadlayay ayaa wuxuu sheegay in Al-Shabaab ay cadow yihiin, xalkuna uu yahay in la dilo oo keliya.

“Shabaab waa cadow, xalka aan u hayno oo keliya ay iyagu doorteen waa in la dilo,” ayuu yiri Alcadaala.

Waxa kaloo uu sheegay in Dowladda Federaalka ay dadaal badan ku bixineyso, sidii hawlgalka socdo ee cir iyo dhulba leh aysan waxyeelo uga soo gaari lahayn dadka rayidka ah.

Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta oo Baaq uu u diray shacabka

Alcadaala ayaa ku celiyay baaqii Golaha Wasiirada ee ku saabsanaa inay shacabku ka fogaadaan goobaha ay ku sugan yihiin Al-Shabaab, bacdamaa ay bartilmaameed yihiin.

“Haddana waan ugu celinaynaa inay ka fogaadaan meelaha ay ku dhuumanayaan dembiileyaasha Khawaarijta, inaanan lala macaamilin, inaanan guryo laga kireynin iyo in meeshii ay yimaadaan laga durko oo laga fogaado,” ayuu yiri Alcadaala.

Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta Alcadaala ayaa ku waramay in shacabka Soomaaliyeed iyo Al-Shabaab ay maanta kala soocmeen, isla markaana ay shacabku go’aansadeen inay la dagaalamaan maleeshiyadaasi.

“Waxaan ognahay in dadka Soomaaliyeed iyo Khawaarijtu ay maanta kala soocmeen, furimaha dagaalkana ciidamada waxaa uga horreya muwaadiniinta Soomaaliyeed oo iyagu goostay inay in ay la dagaalamaan. Marka iskuma dhex jiri karno annaga iyo Khawaarij,” ayuu yiri Alcadaala.

📌 Wararka24 – Xog rasmi ah oo faahfaahin degdeg ah


Share

Recommended

DF oo ka oo fashilisay abaabul ay Al-Shabaab ka wadeen laba gobol

DF oo ka oo fashilisay abaabul ay Al-Shabaab ka wadeen laba gobol

7 months ago

Faransiiska iyo Talyaaniga oo xiriir diblomaasiyadeed la sameeyay Iiraan

7 months ago
Dowladda Federaalka Soomaaliya

DF Soomaaliya oo Waddada udhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye, Cidamo Badan Udirtay + Sababta

2 years ago
Xasan Sheekh

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la Kulmay Hoggaanka Xisbiyada Siyaasadda

1 year ago
DEGDEG: Amran Axmed Xasan Oo Loo Doortay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Ee Baarlamaanka Waqooyi-Bari

DEGDEG: Amran Axmed Xasan Oo Loo Doortay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Ee Baarlamaanka Waqooyi-Bari

1 year ago
Garaad Jaamac Garaad Cali

Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Suldaan Daa’uud Suldaan Cabdiqaadir oo Nabad isla qaatey iyago ka kala socda somaliland iyo khaatumo 

1 year ago
Gurmadka ciidamada

Gurmadka Ciidamada oo Ku Qulqulaya Dhinaca Furimaha Gobolka Hiiraan

2 years ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.