• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Guddoomiyaha degmada Dayniile oo soo rogay amar lagu adkeynayo amniga degmada

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
2 months ago
Reading Time: 2 mins read
Guddoomiyaha degmada Dayniile oo soo rogay amar lagu adkeynayo amniga degmada
Share

Wararka24: Guddoomiyaha degmada Dayniile, Cabdiraxmaan Macallin Xuseen, ayaa amar ku bixiyay in la xoojiyo howlgallada lagu sugayo amniga degmada, iyadoo mudnaan gaar ah la siinayo ka hortagga falalka amni-darrada ah ee habeenkii saameeya shacabka.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ilaalinta nafta, hantida iyo badqabka shacabka ay tahay waajibka ugu horreeya ee maamulka degmada iyo hay’adaha amniga ee ka howlgala Dayniile.

Wuxuu faray ciidamada inay dardargeliyaan howlgallada ka dhanka ah kooxaha burcadda ah, isla markaana si degdeg ah uga jawaabaan cabashooyinka iyo xogaha ay bulshada la wadaagto.

Amarka cusub ayaa si gaar ah u beegsanaya kooxaha ku lugta leh dhaca taleefannada gacanta, lacagaha iyo hantida kale ee qiimaha leh, kuwaas oo inta badan adeegsada mindiyo iyo hub fudud.

“Amniga shacabka waa mas’uuliyad wada saaran maamulka iyo hay’adaha amniga. Waa in si mideysan looga hortagaa cid kasta oo carqalad ku ah nabadda, kala dambeynta iyo xasilloonida degmada,” ayuu yiri Guddoomiyaha degmada Dayniile.

Cabdiraxmaan Macallin Xuseen ayaa sidoo kale digniin u diray ciidamada amniga, isagoo ka mamnuucay inay habeenkii ridaan rasaas aan loo baahnayn. Wuxuu sheegay in rasaasta aan sababta lahayn ay cabsi ku abuurto shacabka isla markaana ay dhaawaceyso kalsoonida bulshada ay ku qabto ciidamada.

Guddoomiyaha ayaa carrabka ku adkeeyay in hubka la adeegsan karo oo keliya marka ay jirto xaalad amni oo dhab ah, iyadoo la ilaalinayo badqabka dadka rayidka ah iyo xasilloonida xaafadaha degmada.

Maamulka Dayniile ayaa ugu baaqay shacabka inay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada amniga, ayna la wadaagaan xog kasta oo la xiriirta kooxaha burcadda ah, falalka amni-darrada iyo dhaqdhaqaaqyada laga shakiyo.

Waxa uu maamulka sheegay in iskaashiga bulshada iyo hay’adaha amniga uu yahay tiirka ugu muhiimsan ee lagu xaqiijin karo nabadgelyo iyo xasillooni waarta.


Share

Recommended

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

5 months ago
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

7 months ago
Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

6 months ago
Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

3 months ago
Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

8 months ago
Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

3 months ago
Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.