Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Guddoomiyaha degmada Dayniile oo soo rogay amar lagu adkeynayo amniga degmada

Guddoomiyaha degmada Dayniile, Cabdiraxmaan Macallin Xuseen, ayaa amar ku bixiyay in la xoojiyo howlgallada lagu sugayo amniga degmada, iyadoo mudnaan gaar ah la siinayo ka hortagga falalka amni-darrada ah ee habeenkii saameeya shacabka.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
July 18, 2026, 12:23 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Guddoomiyaha degmada Dayniile oo soo rogay amar lagu adkeynayo amniga degmada
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Guddoomiyaha degmada Dayniile, Cabdiraxmaan Macallin Xuseen, ayaa amar ku bixiyay in la xoojiyo howlgallada lagu sugayo amniga degmada, iyadoo mudnaan gaar ah la siinayo ka hortagga falalka amni-darrada ah ee habeenkii saameeya shacabka.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ilaalinta nafta, hantida iyo badqabka shacabka ay tahay waajibka ugu horreeya ee maamulka degmada iyo hay’adaha amniga ee ka howlgala Dayniile.

Wuxuu faray ciidamada inay dardargeliyaan howlgallada ka dhanka ah kooxaha burcadda ah, isla markaana si degdeg ah uga jawaabaan cabashooyinka iyo xogaha ay bulshada la wadaagto.

Amarka cusub ayaa si gaar ah u beegsanaya kooxaha ku lugta leh dhaca taleefannada gacanta, lacagaha iyo hantida kale ee qiimaha leh, kuwaas oo inta badan adeegsada mindiyo iyo hub fudud.

“Amniga shacabka waa mas’uuliyad wada saaran maamulka iyo hay’adaha amniga. Waa in si mideysan looga hortagaa cid kasta oo carqalad ku ah nabadda, kala dambeynta iyo xasilloonida degmada,” ayuu yiri Guddoomiyaha degmada Dayniile.

Cabdiraxmaan Macallin Xuseen ayaa sidoo kale digniin u diray ciidamada amniga, isagoo ka mamnuucay inay habeenkii ridaan rasaas aan loo baahnayn. Wuxuu sheegay in rasaasta aan sababta lahayn ay cabsi ku abuurto shacabka isla markaana ay dhaawaceyso kalsoonida bulshada ay ku qabto ciidamada.

Guddoomiyaha ayaa carrabka ku adkeeyay in hubka la adeegsan karo oo keliya marka ay jirto xaalad amni oo dhab ah, iyadoo la ilaalinayo badqabka dadka rayidka ah iyo xasilloonida xaafadaha degmada.

Maamulka Dayniile ayaa ugu baaqay shacabka inay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada amniga, ayna la wadaagaan xog kasta oo la xiriirta kooxaha burcadda ah, falalka amni-darrada iyo dhaqdhaqaaqyada laga shakiyo.

Waxa uu maamulka sheegay in iskaashiga bulshada iyo hay’adaha amniga uu yahay tiirka ugu muhiimsan ee lagu xaqiijin karo nabadgelyo iyo xasillooni waarta.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Macawiisleyda oo la wareegtay qaybo ka mid ah xerada Lama-galay ee Beledweyne

Macawiisleyda oo la wareegtay qaybo ka mid ah xerada Lama-galay ee Beledweyne

5 minutes ago
Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

1 day ago
Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

1 day ago
Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

2 days ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

2 days ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

2 days ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

2 days ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

3 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.