• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, September 11, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Caalamka

Mareykanka oo hirgelinaya in Green Card-ka la siin doonin qof kasta oo isticmaala…

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
2 months ago
Reading Time: 3 mins read
Mareykanka oo hirgelinaya in Green Card-ka la siin doonin qof kasta oo isticmaala…
Share

Wararka24: Maamulka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dib u soo celinaya Sharcigan loo yaqaan “public charge”, taas oo u oggolaan karta dowladda inay diiddo codsiyada Green Card-ka ee dadka isticmaala qaar ka mid ah adeegyada iyo kaalmada bulshada ee dowladda.

Siyaasaddan ayaa Khamiistii lagu soo bandhigay diiwaanka rasmiga ah ee dowladda federaalka, waxaana la qorsheeyay in si rasmi ah loo daabaco 20-ka July, halka Hay’adda Adeegyada Jinsiyadda iyo Socdaalka Mareykanka (USCIS) ay sheegtay inay dhaqan geli doonto 18-ka September.

Marka sharcigan uu hirgalo, dadka codsanaya deggenaanshaha joogtada ah waxaa laga doonayaa inay caddeeyaan inay awood u leeyihiin inay naftooda dhaqaale ahaan masruufaan, isla markaana aysan noqon doonin culeys ku yimaada dowladda. sharcigan waxuu saamayn karaa dadka isticmaala barnaamijyada ay ka mid yihiin kaalmada cuntada, Medicaid, guryaha la kabo iyo adeegyo kale oo dowladda bixiso.

Sharcigan ayaa markii ugu horreysay la hirgeliyay sannadkii 2020 xilligii maamulka koowaad ee Trump, balse waxaa meesha ka saaray maamulkii Madaxweyne Joe Biden. Hadda maamulka Trump ayaa dib u soo celinaya iyadoo qayb ka ah qorshihiisa lagu adkeynayo siyaasadaha socdaalka.

USCIS ayaa sheegtay in tallaabadan ay dib u xaqiijinayso mabda’a isku-filnaanshaha dhaqaale ee muhaajiriinta, isla markaana lagu ilaalinayo hantida dadweynaha. Hay’addu waxay sheegtay in dadka u soo guuraya Mareykanka laga doonayo inay awood u yeeshaan inay naftooda masruufaan halkii ay ku tiirsanaan lahaayeen taageerada dowladda.

Dadka u dooda xuquuqda muhaajiriinta ayaa dhaliilay dib u soo celinta siyaasaddan, iyagoo sheegay inay saameyn ku yeelan karto qoysas badan oo sharci ku jooga Mareykanka. Waxay sidoo kale ka digeen in cabsi laga qabo saameynta Green Card-ku ay keeni karto in dad badan ay ka fogaadaan adeegyada caafimaadka iyo kaalmooyinka ay sharci ahaan xaqa u leeyihiin.

Dib u soo celinta Sharcigan ayaa kusoo aadeysa xilli maamulka Trump uu sii adkeynayo sharciyada socdaalka, iyadoo tallaabadan ay saameyn ku yeelan karto kumannaan qof oo doonaya inay helaan deggenaanshaha joogtada ah ee Mareykanka.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.