Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Caalamka

Mareykanka oo hirgelinaya in Green Card-ka la siin doonin qof kasta oo isticmaala…

Maamulka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dib u soo celinaya Sharcigan loo yaqaan "public charge", taas oo u oggolaan karta dowladda inay diiddo codsiyada Green Card-ka ee dadka isticmaala qaar ka mid ah adeegyada iyo kaalmada bulshada ee…

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
July 17, 2026, 5:00 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Mareykanka oo hirgelinaya in Green Card-ka la siin doonin qof kasta oo isticmaala…
Share

Wararka24: Maamulka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dib u soo celinaya Sharcigan loo yaqaan “public charge”, taas oo u oggolaan karta dowladda inay diiddo codsiyada Green Card-ka ee dadka isticmaala qaar ka mid ah adeegyada iyo kaalmada bulshada ee dowladda.

Siyaasaddan ayaa Khamiistii lagu soo bandhigay diiwaanka rasmiga ah ee dowladda federaalka, waxaana la qorsheeyay in si rasmi ah loo daabaco 20-ka July, halka Hay’adda Adeegyada Jinsiyadda iyo Socdaalka Mareykanka (USCIS) ay sheegtay inay dhaqan geli doonto 18-ka September.

Marka sharcigan uu hirgalo, dadka codsanaya deggenaanshaha joogtada ah waxaa laga doonayaa inay caddeeyaan inay awood u leeyihiin inay naftooda dhaqaale ahaan masruufaan, isla markaana aysan noqon doonin culeys ku yimaada dowladda. sharcigan waxuu saamayn karaa dadka isticmaala barnaamijyada ay ka mid yihiin kaalmada cuntada, Medicaid, guryaha la kabo iyo adeegyo kale oo dowladda bixiso.

Sharcigan ayaa markii ugu horreysay la hirgeliyay sannadkii 2020 xilligii maamulka koowaad ee Trump, balse waxaa meesha ka saaray maamulkii Madaxweyne Joe Biden. Hadda maamulka Trump ayaa dib u soo celinaya iyadoo qayb ka ah qorshihiisa lagu adkeynayo siyaasadaha socdaalka.

USCIS ayaa sheegtay in tallaabadan ay dib u xaqiijinayso mabda’a isku-filnaanshaha dhaqaale ee muhaajiriinta, isla markaana lagu ilaalinayo hantida dadweynaha. Hay’addu waxay sheegtay in dadka u soo guuraya Mareykanka laga doonayo inay awood u yeeshaan inay naftooda masruufaan halkii ay ku tiirsanaan lahaayeen taageerada dowladda.

Dadka u dooda xuquuqda muhaajiriinta ayaa dhaliilay dib u soo celinta siyaasaddan, iyagoo sheegay inay saameyn ku yeelan karto qoysas badan oo sharci ku jooga Mareykanka. Waxay sidoo kale ka digeen in cabsi laga qabo saameynta Green Card-ku ay keeni karto in dad badan ay ka fogaadaan adeegyada caafimaadka iyo kaalmooyinka ay sharci ahaan xaqa u leeyihiin.

Dib u soo celinta Sharcigan ayaa kusoo aadeysa xilli maamulka Trump uu sii adkeynayo sharciyada socdaalka, iyadoo tallaabadan ay saameyn ku yeelan karto kumannaan qof oo doonaya inay helaan deggenaanshaha joogtada ah ee Mareykanka.


Share
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.