Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Ciyaaraha

Is barbardhiga Xulalka Spain iyo France ee caawa isaga hor imanaya semi-finalka

Xulalka qaranka Spain iyo France ayaa caawa oo Talaado ah 14-ka July isaga hor imanaya ciyaarta semi-finalka Koobka Adduunka, kulan si weyn isha loogu hayo maadaama ay yihiin laba ka mid ah xulalka ugu awoodda badan Yurub.

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
July 14, 2026, 5:09 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Is barbardhiga Xulalka Spain iyo France ee caawa isaga hor imanaya semi-finalka
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Xulalka qaranka Spain iyo France ayaa caawa oo Talaado ah 14-ka July isaga hor imanaya ciyaarta semi-finalka Koobka Adduunka, kulan si weyn isha loogu hayo maadaama ay yihiin laba ka mid ah xulalka ugu awoodda badan Yurub.

Spain, oo ku guuleysatay Koobka Adduunka sanadkii 2010, ayaa tartankan kusoo bandhigtay qaab ciyaareed deggan oo ku dhisan difaac adag, kubad-heysasho iyo nidaam kooxeed. Xulka ayaa ilaa hadda laga dhaliyay hal gool oo keliya, taasoo muujinaysa awooddiisa dhanka difaaca.

Dhanka kale, France oo ku guuleysatay Koobka Adduunka 2018 isla markaana gaartay finalkii tartankii ugu dambeeyay, ayaa markale muujisay awooddeeda weerar. Weerarka xulka oo uu hoggaaminayo Kylian Mbappé ayaa loo arkaa mid ka mid ah kuwa ugu halista badan tartanka.

Falanqeeyayaal badan ayaa aaminsan in kulankan uu noqon doono isku dhac u dhexeeya weerarka xooggan ee France iyo difaaca adag ee Spain. France ayaa ku tiirsan weerarro degdeg ah iyo xirfadaha ciyaartoydeeda, halka Spain ay isku dayi doonto inay ciyaarta ku maamusho kubad-heysasho iyo dulqaad.

Natiijada kulankan ayaa go’aamin doonta xulka u gudbi doona finalka Koobka Adduunka, iyadoo taageerayaasha kubadda cagta dunida oo dhan ay si weyn u sugayaan kulanka caawa.

Sidhookale Xulalka qaranka Argentina iyo England ayaa berri isaga hor imanaya ciyaarta labaad ee semi-finalka Koobka Adduunka, kulan si weyn isha loogu hayo maadaama uu xambaarsan yahay taariikh dheer iyo tartan adag oo u dhexeeya labada dal.

Argentina, oo ah kooxda difaacaneysa horyaalka, ayaa doonaysa inay sii waddo safarkeeda kuna guuleysato finalka, halka England ay rajaynayso inay soo afjarto sugitaan dheer oo ku aaddan hanashada Koobka Adduunka, iyadoo markii ugu dambeysay ku guuleysatay tartanka sanadkii 1966.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

1 hour ago
Madaxweyne Ruto ee Kenya iyo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, sawirro kala duwan

Madaxweyne Ruto oo Moscow u ambabaxay, iyo la kulanka Putin

2 hours ago
AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

21 hours ago
DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

22 hours ago
Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

2 days ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

2 days ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

3 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

4 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.