• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Madaxweynaha Soomaaliya oo Moqokori kulmo la qaatay Saraakiisha Ciidamada + Sawiro

Abdirahman Dahir by Abdirahman Dahir
1 year ago
Reading Time: 3 mins read
Madaxweynaha
Share

Madaxweynaha
Madaxweynaha oo CXD kulan kula qatay Moqokori photos creadit Uviversal somali tv

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay ku booqday Degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan, halkaas oo uu kula kulmay saraakiisha ciidamada ee hoggaamineysa hawlgalka lagaga saarayo maleeshiyaadka Al-Shabaab gobolkaasi.

Kulankan oo uu goobjoog ka ahaa Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle, Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed), ayaa lagaga hadlay wejiga labaad ee hawlgalka ka socda Hirshabelle.

Qoraal ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu uu xubnahaasi ka wareystay guulaha la gaaray iyo caqabadaha jira.

“Madaxweynaha ayaa ka xog wareystay Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle iyo Hoggaanka Ciidamada jiidda hore, guulaha iyo caqabadaha jira, iyagoo soo bandhigay sida ay ciidamada u dhiirigelinayso in Madaxweynihii Qaranka uu kula sugan yahay furinta dagaalka, si dhowna ula socdo guulaha, baahiyaha iyo geesinimada Ciidanka Soomaaliyeed,” ayuu ku qoray qoraalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa kulanka ku wehlinayay Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA), Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Madaxweynaha ayaa Hirshabelle u jooga dardargelinta dagaalka ay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Difaaca Shacabka kula jiraan Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama.

Madaxweynaha
Madaxweynaha

📌 Wararka24 – Xog rasmi ah oo faahfaahin degdeg ah


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.