• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, September 11, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Uganda oo taliye ku-xigeen cusub u magacowday ciidankeeda AUSSOM

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
2 months ago
Reading Time: 2 mins read
Uganda oo taliye ku-xigeen cusub u magacowday ciidankeeda AUSSOM
Share

Wararka24: Ciidamada Uganda ee ka tirsan Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa si rasmi ah u soo dhaweeyay taliye ku-xigeen cusub, kadib munaasabad xil wareejin ah oo lagu qabtay xarunta ciidanka ee howlgalka.

Korneyl Jude Rukubya ayaa xilka kala wareegay Korneyl Francis Obita Aragamoi, oo soo gabagabeeyay muddadii uu ka tirsanaa howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

Munaasabadda xil wareejinta waxaa guddoomiyay Taliyaha Ciidanka Uganda ee AUSSOM, Sareeye Guuto Jackson Kayanja, kaas oo ku ammaanay taliyihii hore doorkii uu ka qaatay howlgalada amniga iyo xasilinta ee laga fuliyay Soomaaliya.

Kayanja ayaa sheegay in hawlgallada loogu magac daray Silent Storm, Hidden Sword iyo Rolling Thunder ay gacan ka geysteen dib u soo celinta iyo sugidda amniga deegaanno dhowr ah oo ay ka mid yihiin Sabiid iyo Canoole, Bariire, Awdheegle, Mubaarak, Daarusalaam, Jariib iyo Dhanaane.

Dhankiisa, Korneyl Francis Obita Aragamoi ayaa uga mahadceliyay hoggaanka ciidamada Uganda kalsoonidii ay siiyeen iyo fursaddii uu ugu adeegay howlgalka Soomaaliya, isaga oo xusay taageerada uu ka helay saraakiisha iyo ciidamada intii uu xilka hayay.

Taliyaha cusub, Korneyl Jude Rukubya, ayaa ballan qaaday inuu sii ambaqaadi doono dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo xasiloonida Soomaaliya, isaga oo sheegay in wadajir, anshax iyo xirfad ay saldhig u noqon doonaan howlaha ciidanka Uganda ee ka tirsan AUSSOM.

Howlgalka AUSSOM ayaa door muhiim ah ka qaata taageerada ciidamada amniga Soomaaliya iyo dadaallada lagu xoojinayo xasilloonida dalka, iyadoo ciidamada Uganda ay ka mid yihiin kuwa ugu badan ee ku sugan howlgalka Midowga Afrika.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.