
Wararka ka imanaya Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in maleeshiyada Al Shabaab ay saaka weerar culus ku qaadday Degmada Awdheegle, iyagoo beegsaday Xarunta Ciidanka Kumaandooska Gorgor ee ku taalla degmadaasi.
Dadka deegaanka ayaa sheegay inay maqleen jug culus, ka dibna uu xigay dagaal toos ah oo weli ka socda fariisimaha ciidamada ee magaalada.
Shabaab oo maanta sheegtay inay la wareegeen Degmada Awdheegle
Idaacadda Andalus, oo afka u ah Al Shabaab, ayaa baahisay in maleeshiyadooda ay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta Awdheegle, hase yeeshee ma jirto cid madax bannaan oo xaqiijin karta sheegashadaas.
Goobjoogayaal ku sugan magaalada ayaa sheegay in rasaasta ay si xoog leh uga dhaceyso aagga dagaalka, iyadoo xaaladda degmada ay tahay mid aad u kacsan.
Khasaare dhimasho & dhaawac leh oo la soo wariyay
Dadka deegaanka ayaa tilmaamay in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac leh, inkastoo aan la xaqiijin karin tirada rasmiga ah, maadaama dagaalku uu weli socdo.
Al Shabaab oo dhowr jeer weeraray Awdheegle

Maleeshiyada Al Shabaab ayaa laga saaray Awdheegle bishii August 2019, balse marar badan ayay weerarro ku soo qaadeen degmadaasi.
Weerarkan ayaa imanaya iyadoo Shabaabku uu cadaadis militari kala kulmayo Gobolka Shabellaha Dhexe, halkaas oo Ciidanka Xoogga Dalka ay taageero ka helayaan diyaaradaha dagaalka ee Turkiga iyo mareekanka..
📌 Wararka24 – Xog rasmi ah & Faahfaahin degdeg ah