• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, September 11, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Mucaaradka oo Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu diyaarsaday ciidamo cusub oo ka dhan ah mucaaradka

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
4 months ago
Reading Time: 3 mins read
Mucaaradka oo Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu diyaarsaday ciidamo cusub oo ka dhan ah mucaaradka
Share

Wararka24: Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka Soomaaliya ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu abaabulayo ciidamo cusub oo uu sheegay in loogu talagalay caburinta mucaaradka iyo xoojinta awoodda siyaasadeed ee Villa Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka hadlay shir ay mucaaradku ku yeesheen Muqdisho ayaa sheegay inay hayaan xog la xiriirta ciidamo lagu tababaray gobollada dhexe iyo guutooyin kale oo uu sheegay inay ku xareysan yihiin xarumaha ciidamada ee TurkSom.

“Waxaan ognahay in Xasan Sheekh uu wado abaabul ciidan, waxaan ognahay ciidamo lagu tababaray gobollada dhexe iyo guutooyin cusub oo uu doonayo inuu soo saaro,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Sidoo kale, wuxuu ku eedeeyay Madaxweynaha inuu doonayo inuu ciidamada u adeegsado dano siyaasadeed iyo cadaadis ka dhan ah mucaaradka. Wuxuu sheegay in mucaaradku aysan ka baqeyn awood ciidan, isla markaana ay sii wadi doonaan mowqifkooda siyaasadeed.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa isna farriin u diray ciidamada qalabka sida, isaga oo ugu baaqay inay ka fogaadaan wax kasta oo lagu dhibaateynayo shacabka Soomaaliyeed.

Khayre ayaa sheegay in ciidamada loo tababaray difaaca dalka iyo ilaalinta shacabka, balse aysan habboonayn in loo adeegsado khilaafyo siyaasadeed ama dano gaar ah.

Dhanka kale, Villa Soomaaliya weli kama aysan hadlin eedeymaha mucaaradka ee la xiriira abaabulka ciidamada cusub iyo hadallada kasoo yeeray siyaasiyiinta mucaaradka.

Mucaaradka Soomaaliya ayaa sidoo kale iclaamiyay dibad-baxyo ka dhan ah dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo la qorsheynayo inay ka billowdaan magaalada Muqdisho 4-ta June, iyadoo la filayo inay sii socdaan toddobaadyo.

Xiisadda siyaasadeed ee dalka ayaa sii xoogeysaneysa, kadib muranka ka taagan muddo xileedka hay’adaha dowladda iyo hannaanka doorashooyinka dalka.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.