Wararka24: Qaramada Midoobay ayaa war kasoo saartay fashilka ku yimid wada-hadalladii u dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka, kuwaas oo ka dhacay xerada Halane Camp ee magaalada Muqdisho.
Warsaxaafadeedka kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in wax laga xumaado ay tahay in kulamadii dhacay intii u dhexeysay 13-ka ilaa 15-ka May ay kusoo dhammaadeen natiijo la’aan, kadib markii dhinacyadu isku fahmi waayeen arrimaha doorashooyinka iyo xaaladda siyaasadeed ee dalka.
QM ayaa dhinacyada ku ammaantay dib u bilaabista wada-hadallada, iyadoo sidoo kale uga mahadcelisay saaxiibada caalamiga ah doorkii ay ka qaateen taageerada wadahadalladaasi.
“Kadib wada-hadalladii dhacay 13–15 May, UNTMIS waxay ku ammaanaysaa dhinacyada dib u bilaabista wadahadallada, waxayna ka mahadcelinaysaa dadaallada ay bixiyeen saaxiibbada caalamiga ah ee taageeray wada-hadallada,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Sidoo kale, QM ayaa ugu baaqday Dowladda Federaalka Soomaaliya inay mudnaan siiso wadatashiga iyo la tashiga dhammaan dhinacyada siyaasadda inta lagu jiro marxaladda kala guurka, si loo gaaro hannaan doorasho oo lagu wada qanacsan yahay.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay rajeynayso in dhinacyada Soomaalida ay gaaraan heshiis mideyn kara shacabka, islamarkaana dalka ka saari kara xaaladda siyaasadeed ee cakiran.
Dhanka kale, warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu soo hadal qaaday xaaladda bani’aadannimo ee ka jirta Soomaaliya, iyadoo QM ay ugu baaqday Soomaalida inay u midoobaan wax ka qabashada saameynta abaarta iyo khatarta amni ee ay kooxaha argagixisadu weli ku hayaan dalka.
Fashilka wada-hadalladan ayaa kusoo aadaya xilli Soomaaliya ay wajahayso xiisad siyaasadeed oo sii xoogeysaneysa, kadib muranka ka taagan doorashooyinka, dastuurka iyo muddo xileedka dowladda federaalka.


















