Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Qaramada Midoobay oo ka hadashay fashilka wada-hadalladii Xasan iyo mucaaradka

Qaramada Midoobay ayaa war kasoo saartay fashilka ku yimid wada-hadalladii u dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka, kuwaas oo ka dhacay xerada Halane Camp ee magaalada Muqdisho.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
May 16, 2026, 5:21 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Qaramada Midoobay oo ka hadashay fashilka wada-hadalladii Xasan iyo mucaaradka
Share

Wararka24: Qaramada Midoobay ayaa war kasoo saartay fashilka ku yimid wada-hadalladii u dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka, kuwaas oo ka dhacay xerada Halane Camp ee magaalada Muqdisho.

Warsaxaafadeedka kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in wax laga xumaado ay tahay in kulamadii dhacay intii u dhexeysay 13-ka ilaa 15-ka May ay kusoo dhammaadeen natiijo la’aan, kadib markii dhinacyadu isku fahmi waayeen arrimaha doorashooyinka iyo xaaladda siyaasadeed ee dalka.

QM ayaa dhinacyada ku ammaantay dib u bilaabista wada-hadallada, iyadoo sidoo kale uga mahadcelisay saaxiibada caalamiga ah doorkii ay ka qaateen taageerada wadahadalladaasi.

“Kadib wada-hadalladii dhacay 13–15 May, UNTMIS waxay ku ammaanaysaa dhinacyada dib u bilaabista wadahadallada, waxayna ka mahadcelinaysaa dadaallada ay bixiyeen saaxiibbada caalamiga ah ee taageeray wada-hadallada,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Sidoo kale, QM ayaa ugu baaqday Dowladda Federaalka Soomaaliya inay mudnaan siiso wadatashiga iyo la tashiga dhammaan dhinacyada siyaasadda inta lagu jiro marxaladda kala guurka, si loo gaaro hannaan doorasho oo lagu wada qanacsan yahay.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay rajeynayso in dhinacyada Soomaalida ay gaaraan heshiis mideyn kara shacabka, islamarkaana dalka ka saari kara xaaladda siyaasadeed ee cakiran.

Dhanka kale, warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu soo hadal qaaday xaaladda bani’aadannimo ee ka jirta Soomaaliya, iyadoo QM ay ugu baaqday Soomaalida inay u midoobaan wax ka qabashada saameynta abaarta iyo khatarta amni ee ay kooxaha argagixisadu weli ku hayaan dalka.

Fashilka wada-hadalladan ayaa kusoo aadaya xilli Soomaaliya ay wajahayso xiisad siyaasadeed oo sii xoogeysaneysa, kadib muranka ka taagan doorashooyinka, dastuurka iyo muddo xileedka dowladda federaalka.


Share
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.