
Wararka24: Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa khudbad muhiim ah u jeediyay shacabka Faransiiska iyo Yurub, isagoo ku nuux-nuuxsaday baahida degdegga ah ee loo qabo xoojinta difaaca Yurub, xilli ay cirka isku sii shareerayso hubanti la’aanta dammaanad qaadka amniga ee Maraykanku bixin jiray.
Macron wuxuu carrabka ku adkeeyay in Yurub aysan laalaadin karin amnigeeda, islamarkaana loo baahan yahay inay diyaar u noqoto inay difaacdo Ukraine iyo qaaradda oo dhan haddii Ruushku sii wado halis gelinta gobolka. Wuxuu ku baaqay shir sare oo ay isugu imaanayaan wasiirrada difaaca iyo taliyeyaasha ciidammada Yurub, kaasoo toddobaadka soo socda lagu qaban doono Paris, si looga arrinsado horumarinta awoodda nukliyeerka iyo dib u hubeynta Yurub.
Sidoo kale, Macron wuxuu caddeeyay inay dhaqangelinayaan baaqa hoggaamiyaha cusub ee Jarmalka, Friedrich Merz, kaasoo horey u soo jeediyay in Faransiiska iyo Ingiriisku ballaariyaan hubkooda nukliyeerka si Yurub u hesho difaac adag. Arrintan ayaa laga yaabaa inay horseeddo in madaxyo nukliyeer ah la geeyo waddamada Yurub si looga hortago khatar kasta oo soo wajahda amniga gobolka.
Hadalkan Macron ayaa yimid xilli Yurub ay wajahdo cadaadis ballaaran oo dhanka difaaca ah,
Iyadoo dalalka qaar ay dareemayaan baahi weyn oo ay iskaga filnaadaan amni ahaan, maadaama taageeradii Mareykanka ay mugdi sii galeyso.
Aqalka cad ayaa 4tii Marso ku dhawaaqay in Madaxweyne Donald Trump uu hakiyay gargaarkii millatari ee Mareykanku siin jiray Ukraine, tallaabadan oo imaneysa xilli xiisadda colaadeed ee Ukraine iyo Ruushka ay weli taagan tahay.
Donald Trump ayaa cadaadis saaraya in si degdeg ah loo soo afjaro dagaalka u dhexeeya Ukraine iyo Ruushka, halka Zelenskyy uu ka dhawaajiyay walaac ah in xalka uu Trump wato uu si toos ah faaido uyahay Ruushka ee uu san xal ugu jirin ukraine..
Kulanki zelenskyy iyo trump ee aqalka cad ayaa ku dhamaaday si aan lafileyn iyado war baahinta marekenka Fox News Ay sheegtay in madaxweynaha ukraine laga ceyriyey aqalka cad..
Wararka manta
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay in ka badan 100 gaari oo milatari ah u dirtay dhanka degmada Buurhakaba ee gobolka Baay, iyadoo la sheegay in halkaas laga abaabulayo howlgallo ka dhan ah…
NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

NCA ayaa shaacisay shirkadaha, naqshadeeyaha iyo injineerka ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii. Sababta burburka weli lama caddeyn.
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, xilli ay socdaan dadaallo lagu doonayo in la isugu keeno dhinacyada siyaasadda dalka, si xal looga gaaro khilaafka ka…











